Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Kooxda Chelsea oo shaqadii tababaranimo ee kooxda ka ceyrisey Avram Grant

Avram Grant

24.05.2008, deeyoo.com

Macalinka kooxda Chelsea Avram Grant ayaa maanta shaqadii tababaranimo ee kooxda laga ceyriyey labho maalmood uun ka dib markii uu ku guuldareystay hanashada koobka kooxaha Yurub ee Champions League oo ay Man.United rigoorayaal uga qaadey.

Avram Grant oo 53 jir ah wuxuu kooxda u yimid bishii Siteembar ee sanadkii hore markii la ceyriyey tababarihii caanka ahaa ee Jose Mourinho iyadoo markiiba ay bilaabatey saadaalin inta uu kooxda lasii joogi doono Grant isagoo horena u sheegay in hadii uusan qaadin horyaalka Ingiriiska ama Champions League midkood uu qatar ugu jiro inuu waayo shaqadiisa tababaranimo.

Taageerayaasha Chelsea ayaan wax fursad ah siin macalinkooda cusub Grant iyagoo dhowr kulan ku heesayey magaca macalinkii hore isla markaana muujiyey sida aysan ugu cuntami karin magacaabida Avram Grant oo ah nin ay aad isugu dhow yihiin milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

Tababare Grant oo inta badan lagu dhaliilayey qibrad la`aan heer caalami ah ayaa u suura geliyey in Chelsea ay timaado finaalihii Champions League markii ugu horeysey taariikhdeeda isla markaana sanadkan si dirqi ah looga qaadey horyaalka Ingiriiska oo ay kula dagaalameen Man.United illaa kulankii ugu dambeeyey hase yeeshee qofna la yaab kuma aha in Avram Grant uu waayo shaqadiisa maadaama milkiilaha Chelsea uusan ku qanceyn wax ka yar guul.

Arintan waxaa lagu xaqiijiyey bogga nett-ka kooxda Chelsea oo warbixin kooban oo lagu qorey lagu sheegay in maanta shaqadii laga ceyriey Avram Gran isla markaana loogu mahad celiyey shaqadii uu kooxda usoo qabtey, warbixinta waxey kaloo tibaaxday in naadiga uu xoogiisa isugu geyn doono magacaabida tababare cusub inta tas laga gaaraayana aysan jiri doonin warbixin intaas dheer oo arintan ku saabsan.

Waxaa jiray warar hore o sheegayey in tababarihii hore ee Barcelona Frank Rijkaard oo noqon doono tababraha cusub ee Chelsea sidoo kale raga loo maleynayo iney buuxiyaan jagadan banaan waxaa ka mid ah tababaraha Inter Mancini iyadoo qaar ka mid ah saxaafada Ingiriiskana ay sheegayaan in si lama filaan ah uu kooxda dib ugu soo laaban doono macalinkoodii hore Jose Mourinho.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore