Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Man.United kooxda ugu qatarsan dalka Ingiriiska iyo guud ahaan qaarada Yurub

Man.United

22.05.2008, deeyoo.com

Labada Kooxood ee ugu awooda badan kooxaha ka dhisan Dalka Ingiriiska, kalana ah Man.United iyo Chelsea ayaa waxaa ay sidii la filayey Ciyaartii Finalka aheyd ee Horyaalka Naadiyada qaaradda Yurub, ku wada kulmeen Garoonka weyn ee Luzhniki Stadium, Moskow ee ku yaala Dalkaasi Ruushka.

Ciyaartan oo aheyd ciyaar aad u xiiso badan bahda Sportiga Caalamkuna ay indhaha ku hayeen ayaa waxa ay noqotay mid runtii aad u adag oo labada Kooxoodba ay wixii awood lahaayeen ku soo bandhigay, waxayna aheyd markii ugu horeeysay oo ay laba Kooxood oo ka socda dalka ingiriiska ay Ciyaar kama dambeeys ah ay sidan oo kale ugu kulmaan.

Man.United horay aayey u qaaday Koobka Horyaalka Qaaradda Yurub iyadoo ay ugu dambeeysay 1999kii, halka Chelsea ay u aheyd markii ugu horeeysay abid oo ay Ciyaar kama dambeeys ah soo istaagaan.

Ciyaartu waxa ay ku bilaabatay deganaan oo kala baqid labada kooxoodba. waxaana ay aheyd mid isu dhiibka Banooniga(kubadda) ay wada qaldayeen, inkastoo la dhihi karay Man.united ayaa xaga dhexda dar dar ku biloowday.

Daqiiqadii 15aad ayaa waxaa Ronaldo, oo si xarago leh kubad uga soo farsameystay Essien, dhanka bidix uu si gudub u soo dhigay waxayse Noqotay mid ka dheeraatay ciyaarihan Hargreaves.

ciyaartu waa ay kululaatay waxaana Hogaanka miisaanka la wareegay Kooxda Man.United oo dhanka dhexda uu Paul scholes, ku muushaaxayey, waxaa aayna sababtay in daqiiqadii 26aad uu Ronaldo, Gool xarago badan oo madaxa ah Shabaqa kooxda Chelsea ku hubsado, taasoo uu sababteeda lahaa wes Brown, oo dhanka Midig kubad isu dhiib ah ka soo qaaday, waxaa uuna Goolkaasi ahaa kii ugu horeeyey uu Ronaldo weligii ka dhaliyo Chelsea.

Daqiiqadii 34 aad, Gool-haye Cech, waxaa uu bad badbaadiyey kubad gool loo filan karay taasoo uu Ronaldo, ka soo qaaday dhanka Bidix oo uu soo madaxeeyey Teves, waxaa hadana isla mar ahaantii ku celiyey carrick, Cech ayaase diiday in ay dhaafto.

Daqiiqadii 42aad, waxaa Banooni(Kubad) xarageysan oo uu soo daadihiyey Weyne Rooney, kana soo hujuumay dhanka Midig ay si gudub ah ku dhaaftay Teves oo nasiib wanaag lugta la waayey.

Daqiiqadii 45 adaad ayaa waxaa ay Chelsea heshay Goolkii bar bar dhaca kaaasoo uu u saxiisay Ciyaariyanka reer England Frank Lampard, ka dib markii uu Essien, kubad awood badan ku sii daayey goolka Man.United ay soo celiyeen Vidic, iyo Ferdinand, ka faa'deeystay.

waxaa la isugu soo laabtay Qeybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo run ahaantii kooxda Chelsea ay wax weyn ka badashay qaab ciyaareedkeedii hore, waxaana ay qabatay hogaanka ciyaarta, weeraro badan ayeey ku qaaday dhanka goolka Man.United. Chelsea oo u qalantay in ay hesho gool ayaa waxaa ay iska Dhumisay fursado tiro badan oo goolal loo filan karay, Drogba waxaa uu qasaariyey 2 fursadood oo qaali ah.

ciyaartii waxaa ay qeybteedii dambe ku idlaatay 1-1, waaxana lagu daray sidii caadada aheyd waqtigii dheeraadka maadaama ciyaartu ku dhamaatay bar bar dhac.

Chelsea oo sideedii hogaanka u siday ayaa seegtay fursado qaali ah, iyadoo mancheser ay iyadana sidoo kale ka soo roonaatay qeybtii dambe ee ciyaarta.

Daqiiqadii 100aad kubad Essien, uu qalday ayaa waxaa ka faa'iideeystay Giggs, oo isagu si dabacsanaan ugu laaday Goolka Chelsea, waxaase madaxa ku badbaadiyey John terry, oo yiri "adeer tani aniga ima dhaafto"

Ciyaartii dhamaadkeedii ayaa waxaa dhacay Buuq iyo is riix riix labada kooxood, Ciyaarayanada qaarkood ayaa qaladaad ku kacay, shaf faro iska gelis iyo isu goodin ayay noqotay ka dib markii Taves iyo Terry isku dhaceen, waxaana Calaamadda Huruuda ah loo taagay Balack, iyo Taves, halka Drogba lagu salaamay Calaamada Guduudka ah ka dib markii uu dharbaaxay Vidic, waqtigii dheeraadka ahaa sidaa ku dhamaaday 1-1

Ciyaartii waxaa ay noqotay in Rigoorayaal la dhigo sida caadada u ah kubadda Cagta caalami ahaan, waxaana ay Natiijadii noqotay qaabkan.


Rigooradii laga qabtay Ronaldo

Tevez (M) -Scored, Ballack (C) - Scored, Carrick (M) - Scored, Belletti (C) - Scored, Ronaldo (M) - Saved, Lampard (C) - Scored , Hargreaves (M) - Scored, Cole (C) - Scored , Nani (M) - Scored, Terry (C) – Hit Post, Anderson (M) - Scored, Kalou (C) - Scored ,Giggs (M) – Scored, Anelka (C) - Saved

Sidaasi ayayna Man.united, ku noqotay Kooxda Horyaalka Naadiyada Qaaradda Yurub iyadoo Chelseana ay sidaasi ku seegtay labadii koob ay ku wada tartamayeen Man.united kuwaasoo kala ahaa Horyaalnimada Naadiyada Dalka Ingiriiska iyo kan Yurub.

Xuseen Madoobe

xuska03@hotmail.com 

 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore