Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Inter oo ku guuleysatey horyaalka Talyaaniga, Milan oo weysey booskii Champions League

Zlatan

18.05.2008, deeyoo.com

Inter Milan ayaa ku guuleysatey horyaalka Talyaaniga isla markaana heerka 2aad u diray kooxda Parma markii ay 2-0 kaga soo adkaadeen halka Roma oo soo daba taagneyd bareejo 1-1 ah la gashay kooxda Catania.

Zlatan Ibrahimovic oo bedel kusoo galay ayaa noqdey halyeygii Inter isagoo dhaliyey labada gool oo ay Inter horyaalka ku qaaday, Zlatan ayaa goolkii hore dhaliyey 10 daqiiqo keliya markii uu garoonka ku jiray isagoo goolkiisa kalena dhaliyey 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta.

Roma oo xaga dhibcaha ka horeysey Inter markii la galay nasashadii oo ay gool iyo waxba ku hogaaminayeen ka dib markii uu gool u dhaliyey ciyaaryahan Mirko Vucinic daqiiqadii 8aad ee ciyaarta ayaa dhamaadkii ciyaarta gool laga dhaliyey inkastoo rajadooda ku xirneyd in Inter laga badiyo ama la bareejeeyo taasoo aan dhicin.

Inter wuxuu horyaalka sanadkan u noqonayaa koodii 3aad oo xiriir ah iyo kii 16aad taariikhdooda iyagoo kusoo dhowaadey Milan oo 17 jeer ku guuleysatey horyaalka Talyaaniga hase yeeshee waxey u  baahanyihiin iney 10ka sano ee soo socota kuwada guuleysataan si ay ugu soo dhowaadaan Juventus oo27 jeer ku guulesyatey horyaalka iyagoo weliba laga qaaday 2 horyaal fadeexadii kubada cagta Talyaaniga darteed.

Milan oo sanadkii hore ku guuleysatey horyaalka qaaada Yurub ayaa sanadkan awoodi weysey iney soo galaan kaalinta 4aad oo fursad u siin laheyd ka qeyb galka Champions League soo socda inkastoo ay maanta si xarago leh 4-1 uga badiyeen Udinese hase yeeshee ay rajadooda ku xirneyd in Fiorentina aysan badin laakiin Fiorentina waxay 1-0 kaga soo badisey Torino iyagoo kallinta 4aad soo galay kana qeyb gali doono Champions League soo socda halka Milan ay ciyaari doonto koobka UEFA.

Inzaghi ayaa galabta dhaliyey goolkiisii 100 ee Milan isagoo saftey 206 tan iyo markii uu kusoo biiray sanadkii 2001.

Del Piero ayaa markii ugu horeysey noloshiisa ku guuleystay tartanka gooldhalinta horyaalka Talyaaniga isagoo sanadkan dhaliyey 21 gool, Del Piero oo sanadkan shaki weyn la galiyey ka qeyb galkiisa tartanka qaramada Yurub ayaa laga yaabaa in hada uu boos ka helo iyadoo cadaadis badan saari doonto macalinka qaranka Donadoni hadii uu ka tago ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka Talyaaniga.

Del Piero waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee labo sano oo isku xigta ku kala guuleystay tartanka gooldhalinta heerka labaad Serie B oo uu sanadkii hore ku qaaday 20 gool iyo heerka 1aad Serie A oo uu sanadkan ku qaaday 21 gool tan iyo sanadkii 1977-78 markaasoo Paolo Rossi sidaan oo kale sameeyey waxaase la arki doonaa iney ku filnaato in Donadoni kusoo daro qaranka Talyaaniga oo uu Talaadada soo socota magacaabi doono.

Kulamadii Todobaadkan:

Kala horeynta kooxaha

Atalanta - Genoa 2-0 (1-0). A: Sergio Floccari (33), Michele Marconi (90). T: 10.000.guduud: Valério Sacramento Danilo (65), Omar Milanetto (78), begge Genoa.
Cagliari - Reggina 2-2  C: Joaquin Larrivey (18), Paolo Bianco (81). R: Nicola Amoruso (55, rigoore 86). T: 12.000.
Catania - Roma 1-1 C: Jorge Andres Barrios Martinez (85). R: Mirko Vucinic (8). T: 20.000.
Empoli - Livorno 2-1 E: Antonio Buscé (10), Luca Saudati (56). L: Alessandro Diamanti (84). T: 7.000.
Lazio - Napoli 2-1. L: Tommaso Rocchi (15), Fabio Firmani (71). S: Maurizio Domizzi (83). T: 20.000.
Milan - Udinese 4-1. A: Alexandre Pato (48), Filippo Inzaghi (59), Cafu (79), Clarence Seedorf (88). U: Giandomenico Mesto (32). T: 50.000.
Parma - Inter 0-2 . I: Zlatan Ibrahimovic (62, 79). T: 20.000.
Siena - Palermo 2-2. S: Massimo Maccarone (2, 58). P: Bosko Jankovic (23), Fabrizio Miccoli (30). T: 10.000.
Torino - Fiorentina 0-1  F: Pablo Daniel Osvaldo (76). T: 20.000.
17.05:
Sampdoria - Juventus 3-3. S: Antonio Cassano (22), Cristian Maggio (40), Vincenzo Montella (80). J: Alessandro Del Piero (7, rigoore. 65), David Trezeguet (rigoore. 15). T: 27.000. Guduud: Mohamed Sissoko (59), Juventus.

Kooxaha ugu badan ee hantay horyaalka Talyaaniga:

Juventus waxey qaadey 27
Milan 17, Inter 16, Genoa 9, kooxaha Torino, Bologna iyo Pro Vercelli min 7, Roma 3

 
Inter 38 25 10 3 85
Roma 38 24 10 4 82
Juventus 38 20 12 6 72
Fiorentina 38 19 9 10 66
AC Milan 38 18 10 10 64
Sampdoria 38 17 9 12 60
Udinese 38 16 9 13 57
SSC Napoli 38 14 8 16 50
Atalanta 38 12 12 14 48
Genoa 38 13 9 16 48
Palermo 38 12 11 15 47
Lazio 38 11 13 14 46
Siena 38 9 17 12 44
Cagliari 38 11 9 18 42
Torino 38 8 16 14 40
Reggina 38 9 13 16 40
Catania 38 8 13 17 37
Empoli 38 9 9 20 36
Parma 38 7 13 18 34
Livorno 38 6 12 20 30

Tartanka Gooldhalinta:

A. Del Piero 21
David Trezeguet 20
Marco Borriello 19
Adrian Mutu 17
Antonio Di Natale 17
Zlatan Ibrahimovic 15

10kii sano ee ugu dambeeyey:

1999 Milan
2000 Lazio
2001 Roma
2002 Juventus
2003 Juventus
2004 Milan
2005 Waa la baabi`iyey (Juventus aa laga qaaday)
2006 Inter (Juventus aa laga qaaday)
2007 Inter
2008 Inter.
 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore