| Dhageyso |
 |
|
|
|
Xiddigihii ugu
cadcadaa tartankii dhamaaday ee Euro 08.
07.2008, deeyoo.com.
Saaxiibayaal waxaan halkan idinkuugu
haynaa liis ka kooban 10 ciyaariyahan oo aan dhihi karno waxa ay
ahaayeen kuwii ugu cadcadaa intii uu socday tartanka, waxaa
dhici karta in dadku kala aragti duwanaan karo, ha noqoto hab
ciyaareedka uu jecelyahay amaba koox/dal uu ka helo
ciyaartoydiisa, laakiin waxa aan liiskan ku xulnay aragti ah,
hab ciyaareed, kulamadii ay ciyaareen ciyaartoydan iyo guulaha
ay ka gaareen intaba, tusaale Spain ayaa ku leh 4 ciyaartoy
liiskan, waayo waa dalkii ku guuleystay koobka, arintani waa mid
iska caadi ah oo dhacda mar walba.
Marka sida ay idinla tahay iyo hadii ay jiraan ciyaartoy ka
maqan ama kuwa si qalad ah halka ugu jira, waxaan kaga doodi
karnaa bogga dooda sportiga, haddii alla yiraahdo.
Waa kan liiska oo aan kor kasoo bilownay min 10 ilaa iyo 1.
 |
NO:10. Cesc Fabregas. Spain.
Inkasta oo uu inta badan lagu bilaabayay kursiga keydka
ama bankiine, hadana waxa uu lafdhabar u ahaa kooxda
hanatay koobka ee spain, gaar ahaan ciyaartii
semifinalka. |
|
 |
NO:9. Wesley Sneijder. Holland
Waxa uu dhaliyay laba gool oo aan weli ka go'in
xasuusteena, welibana ka kala dhaliyay Italia iyo
France, Sneijder waxa uu ahaa matoorki ay ku
dhaqaaqeysay Holland.
|
 |
NO:8. Gianluigi Buffon. Italia.
Xulkiisa Italia waxaa lagu reebay rigoorayaal,
laakiin Buffon waxaa la dhihi karaa isaga ayaa soo
gaarsiiyay meeshii ay soo gaareen, gaar ahaan, goolashii
uu ka badbaadiyay. |
 |
NO:7. Lukas Podolski. Jarmalka.
Weeraryahankan ayaa ahaa kii ugu goolasha badnaa
jarmalka isaga oo dhaliyay 3 gool, waxa uu muujiyay inuu
yahay nin ay jarmalku ku xisaabtami karaan mustaqbalka. |
 |
NO:6. Semih Senturk. Turkiga.
Waxaa la dhihi karaa waxa uu ahaa mucjisadii
ciyaarahan maadaama oo dhaliyay 3 gool oo uu wada
dhaliyay dhamaadkii ciyaarta, switzerland, Croatia iyo
Jarmalka ayuu ka naxsaday Senturk. |
 |
NO:5.Fernando Torres. Spain.
Si qabow ayuu ku bilaabay tartanka, balse waxa uu
noqday ninka ay reer spain oo dhan magaciisa ku
heesayaan maadaama uu dhaliyay goolkii ay koobka ku
qaadeen. |
 |
NO:4. Andrei Arshavin. Ruushka
Labadii kulan ee ugu horeeyay wuu ka maqnaa ruushka,
laakiin markii uu soo noqday kulankii Sweden iyo wixii
ka danbeeyay waxa uu muujiyay farsamo, goolal iyo
tikniko lala yaabay. |
 |
NO:3. Michael Ballack. jarmalka
Hogaamiye dhab ah iyo khibrad ayuu muujiyay kabtan
Ballack, waxaa si aad ah loogu xasuustaa goolkii uu ka
dhaliyay Austria oo lala yaabay xawaaraha uu ku socday. |
 |
NO:2. Marcos Senna. Spain
Magaciisa si aad looma aqoon, loogamana sheekeyn sida
xidigaha kale ee Spain laakiin waxa uu ahaa ninkii ugu
muhiimsanaa ee garoonka usoo kala kooxda horyaalka. |
 |
NO:1. David Villa. Spain
Wuu ka maqnaa ciyaartii Finalka laakiin Villa waxa uu
noqday gooldhaliyihii tartanka, waxaa lagu wada
xasuustaa 3dii gool uu ka dhaliyay Ruushka, iyo weliba
hab ciyaareedkiisa weyn. |
M,deeq
deeyoo2003@hotmail.com.
deeyoo_edit@hotmail.com |

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|