| Dhageyso |
 |
|
|
|
Muqdisho oo lagu qabtay xaflad qado sharaf Sport.
26.07.2008, deeyoo.com

Waxaa
Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdishu lagu qabtay xaflad qado
sharaf Lagu Soo Gunaanadayay Todobaadka Xuska Aabaha Isboortiga
Allaha ha u naxariistee Nuur Jeenyo iyo Olympic-day Run ,
xafladan oo ay Guddiga Olambikada si heer sare ah ay u soo
agaasimeen ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin waxgarad ,culimaa`udiin
qeyabaha kala duwan ee bulshada iyo bahweyn isboorti oo ay ka
mid yahiin ciyaaryahano hore oo magac dalka ku leh .

Ugu
horeyn waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay Ibraahim Roombo
Guddoomiye ku xigeenka XSKK ahna Xoghayihii tartanka xuska
Aabaha Isboortiga Nuur Jeenyo wuxuu ka warbixiyay qaabka
qabanqaabo ee ay GOS tartankan u galeen iyo sida tartamadii
dhacay loogu kala guuleystay abaalmarinada tartan ciyaareedka
Xuska Nuur Jeenyo Allaha ha u naxariistee sidoo kale waxaa
halkaasi G/X/1-aad G.O.S ahna Guddoomiyaha XSKK Aadan Xaaji
Yabaroow (Wiish) isagoo sheegay in ay mudan tahay in mar kasta
la xasuustaan Halyeeyga Aabaha isboortiga Nuur Jeenyo oo uu
sheegay inuu yahay nin mar walba quluubta bahweynta isboortiga
mar walba baaqi ku ahaan doona .

Guddoomiyaha G.O.S C/qaadir Ibraahin Gacal Abkoow ,Guddoomiye ku
xigeenka G.O.S arrimaha xiriirada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo
Saciid qorsheel oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii kooxdii Jeenyo
ayaa iyaguna waxa ay ku dheeradeen aqoonta ay u leeyahiin Allaha
ha u naxariistee Nuur Jeenyo .

Ra`iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Isboortiga Axmed
C/Salaam Aadan ayaa isna halkaasi ka hadlay isagoo sheegay inay
farxad u tahay inuu bahweynta isboortiga kala qeybgalo
gunaanadka xusta 1-aad ee Aabaha Isboortiga Nuur Jeenyo wuxuuna
carabka ku adkeeyay in uu howlo shaqo uu ku jiray ka soo tegay
isagoo danaynaya in bahweynta isboortiga iyo G.O.S kala qeybgalo
Xafladda gunaanadka Xuskan sanadguuradii 1-aad ee geeridii
Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo)
.






Xafiiska deeyoo.com
Muqdisho-Somalia
Calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@deeyoo.com
deeyoo_edit@hotmail.com |

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|