|
Taariikhda xidigaha
Soomaaliyeed
Aweys Haji Osman iyo taariikhdiisa kubadda cagta
27.07.2008, deeyoo.com
Cayaaryahan
Aweys Xaaji Cusmaan ee loo yaqaan Seyga (6) Batroolka kana
ciyaari jirey khadka dhexe ama N. 6aad ee naadiga Batroolka
wuxuu dhashey sannadkii 1965 wuxuuna ku dhashey Magaalada
Muqdisho Degmada Xamar Jajab wuxuu waxbarashada quraanka
kariimka ah ku bilaawey isla magaalada muqdisho .
Wuxuu
yaraantiisa aad iyo aad u jeclaa cayaaraha gaar ahaan kubbadda
cagta isagoo nasiib u yeeshay inuu ka dhasho qoys aad u xiiseeya
ciyaaraha gaar ahaan kubbadda cagta, Waxaana ku dhiira geliyey
Cayaaraha Waalidiintiisa .
Wuxuu
waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe markiisa hore ku bilaawey
dugsiha 21ka Oktoobar isagoo aakhirkii uu ku wareegay dugsiga
hoose dhexe ee Hodan wuxuuna dhameeyey sannad dugsiyeedkii
1978-79 .
Waxbarashadiisa ayuu halkaasi ka sii wadey wuxuuna waxbarashada
dugsiga sare uu ku bilaawey kuna dhameystey Dugsiga sare ee
Raage Ugaas sannad dugsiyeedkii 1983-84 .
Inta
uu waxbarshada ku jirey Cayaaryahan Aweys Xaaji wuxuu ka qeyb
galey tartamada ciyaaraha dugsiyada isagoo uu ciyaarayey dugsiga
sare ee Raage Ugaas nasiibna u yeeshay inay hantaan koobkii
tartanka dugsiyada sare ee sannadkii 1982 .
1983
ayuu waxuu ka mid noqdey Cayaaryahan Aweys Xaaji Junyeeriska
Naadiga Batroolka isagoo ay ku wada jireen junyeriska
cayaaryahanada kala ah Yacquub Axmed Maxamuud oo markii dambe ka
mid noqdey Naadiga Waxool. Iyo ciyaaryahanda kala ah C/casiis
daba gure Muqtaar yuusuf iyo cayaaryahno kale ,
Isagoo
ku jira junyeriska naadiga Batroolka ayuu wuxuu ka mid noqdey
ciyaaryahandii ka qeybgaley Tartanka Cayaaraha Gobolada sannadku
markuu ahaa 1983 isagoo uu u ciyaarayey Gobolka Nugaal oo uu
tababre u ahaa Cayaaryahankii weynaa Cabdalla Quuq , iyada oo uu
gobolka nugaal kusoo harey wareegii koowaad ee Tartankaasi
qeybtiisa lagu qabanayey Gobolka Hiiraan Magaalada Beledweyne .
Ka dib
Cayaaryahan Aweys Xaaji waxa uu ku biirey sannadka markuu ahaa
1984 cayaaryahanada Heerka Koowaad ee Seria” A” kana mid
noqdey Naadiga Batroolka . cayaartiisa koowaad ee heer Seria
A uu cayaaro waxey aheyd ciyaar ay la yeesheen Naadiga
Gaadiidka.
Waxaana Tababare u ahaa alaha ha u naxariistee Tababrihii weynaa
caanna ka ahaa dalkeena Tababare Maxamed Cismaan (BUDIISTE ) iyo
Macalin Cumar Abuukar .
Cayaaryahan Aweys Xaaji Guulaha ama Farxadaha oo uu la qeybsadey
naadiga batroolka waxaa ka mid ahaa sannadka markuu ahaa 1985
iyagoo ku guuleystey Koobkii Jeneral Daa’uud oo ciyaarta finalka
aheyd ay isaga horyimaadeen Naadiga Madbacadda oo ay kaga
badiyeen 2 : 1 oo goolashaasina uu dhaliyey ciyaaryahanka weyn
Maxamed Cumar Abuukar (FOKAWA) .
1985
waxaa loo magacaabey ciyaaryahanda Junyeerka Qaranka oo tababre
u ahaa Tababarihii reer Gaana laguna magacaabi jirey Charles
Kumi oo ay somaalida u taqaaney CK .
Isla
Sanadkaasi 1986 waxa uu naadiga batroolka oo uu ka tirsanaa
Ciyaaryahan Aweys Xaaji kaalinta labaad ka galeen tartankii
Horyaalka Kubbaada Cagta .
Waxa
uu naadiga batroolka uu nasiibka u yaashay inuu kaalinta labaad
uu ku matelo tartanka isreebreebka koobka bariga iyo bartamaha
afrika . Wadamadii uu kusoo ciyaareyna waxaa ka mid ahaa Wadanka
Kenya iyo Burundi iyo Uganda .
1988
cayaaryahan Aweys Xaaji waxaa loo magacaabey ciyaaryahanda Xulka
Qaranka ee Soomaaliya .
1989
cayaaryahan Aweys Xaaji wuu kasoo dhoofey wadanka isagoo usoo
hayaamay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Kamana uusan fariisan
Ciyaaraha halkiisa ayuu ka sii wadey oo ilaa iyo hadeertaan uu
ka mid yahay guddiga Qabanqaabada Ciyaaraha ee jaaliyadda
Soomaaliyeed ee boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo ah Wakiilka
guddiga Ciyaaraha ee Jaalliyada ee Magaalada Khobar, Damam .
Ciyaaryahan Aweys Xaaji farxadda uu la qeybsadey naadigiisa
Batroolka waxaa ka mid ahaa Tartankii Koobka Jeneral Daa’uud iyo
Koobab munaasabado badan sida 1da Luulyo iyo Koobkii weynaa ee
shirkadda Dayuurdaha soomaaliyeed ay Dhigtey SOMALI AIRLINES .
Ciyaarahayan Aweys wuxuu aad u jeclaa had iyo jeer inay
garbihiisa buuxiyaan ciyaaryahanda kala ah Maxamed Cumar (Folkawa)
, Muqtaar Cutti, C/casiis Dabagure , Cismaan Xasan ,
Senigal,Deysane, C/xakiim, Khaalid , Shabeel, Jubba, C/raxmaan
Guuleed Cawaale, , Cabey iyo dhammaan ciyaaryahanda Naadiga
Batroolka guud ahaan .
Cayaaryahan Aweys Xaaji Waa Xaasle lehna Lix Caruur kuna nool
Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
waxaadna ka helin kartaa Emailadan soo socda :
basaroole@gmail.com,
jedsomsport@gmail.com ama
jedsomsport@hotmail.com
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |