Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   

Afduub loo geystay gaari iyo gabar uu dhalay Maxes
 

07.2008, deeyoo.com

 

 Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday caasimadda Italia ee Roma, markii laba nin oo tuugo ah ay la baxsadeen ama xadeen gaari uu leeyahay Philip Maxes oo difaaca uga ciyaara kooxda Roma, markii ay tuugadu la baxsanayeen gaariga waxaa kursiga danbe ku jirtay gabar yar oo uu dhalay ciyaariyahanka.

Mar waxaa la sheegay in Maxes iyo xaaskiisu ay wada socdeen iyaga oo ka yimid casho ay caruurtooduna ku wehlisay, markii ay guriga soo gaareen oo ay xaasku la dagatay wiilkii, waxaa Maxes soo weeraray laba nin oo ka dhacday gaarigii, laakiin ma ogeyn tuugadu in ay gaariga ku jirto gabar yar.

Waxaa kale oo jira war ka duwan kaas oo uu sheegay ninka u hadla ciyaariyahanka isaga oo yiri, Maxez waxa uu joogay garoonka tababarka kooxda, markii gaariga iyo gabadhaba la xadayay waxaa la socotay hooyadood kaliya. si kastaba ha ahaatee baadi goob dheer kadib waxaa gaarigii laga helay meel banaan ah waxaana ku dhex jiray gabadhii yareyd.

Tababaraha Roma spaletti iyo qaar kamid ah maamulka kooxda ayaa ku booqday gurigood qoyskii ay dhibaatadu haleeshay. ugu danbeytiina booliska Roma ayaa sheegay in ay ku raad joogaan laba nin oo asalkoodu yahay ajnabi.

Goos gooos.

Real madrid ayaa marba darbi <gidaar> isla dheceysa sidii ay ku heli lahaayeen ciyaariyahan weyn oo magac iyo xirfadba leh, waxa ay markan il gooni ah ku hayaan Van der Vaart oo u dheela Hamburg una dhashay Holland, <waa kubad qeybiye iyo dhaliye wanaagsan oo kooxda kusoo kordhin kara wax naga maqan> ayaa lagu sheegay war kasoo baxay kooxda.

C Ronaldo, Kaka, Diego, Huntlaar, Benzema, Teves iyo qaar badan oo aan halkan kusoo koobi karin waa magacyada ay Real darbiga ku dhejisatay si ay ula soo wareegto mid ama laba kamid ah.

* Manchester Utd ayaa qorsheyneysa qandaraas ay ku cusbooneysiineyso Carlos Tevez oo markii hore deyn ugu joogay, waxaana la sheegay in ay damacsanyihiin in ay kula wareegaan lacag lagu sheegay 32 mill oo pound ama ku dhawaad 65 mill oo dollar waxa uuna noqonayaa record-kii ugu sareeyay oo ciyaariyahan looga gato dalka Ingiriiska, waxaa hadda ugu sareeya lacagtii lagu qasaaray ee laga soo bixiyay Shevchencko oo dhameyd 30 mill oo pound.

* Waxaa lagu jahwareersanyahay halka uu ku danbeyn doono mustaqbalka Samuel Eto'oo oo maalinma koox cusub dhabarka loo saariyo in ay dooneyso, waxaa hadda ugu danbeeyay Lyon oo laga soo wariyay in ay diyaar u yihiin in ay ku badashaan isaga iyo Benzema oo ay horey u baadi goobi jirtay Barcelona.

* Barcelona ayaa qorsheyneysa in ay kala xulato 4 weeraryana oo qatar ah midkood, waxa ay kala yihiin, Trazeguet oo Juventus ah, Drogba oo Chelsea ah, Adepayor oo Arsenal ah iyo Benzema oo Lyon ah, sida muuqata kala doorashadooda ayaa soo jiitameysay mudo ku dhaw laba bilood, haddii ay go'aan degdeg ah gaari waayaan waxaa laga yaabaa in ay midkoodna helin.

*Tottenham iyo Liverpool ayaa mid walba rajeynayaa inuu lasoo wareego Villa oo ay kooxda hore rabto iyo Silva oo ay kooxda labaad rabto, labadan ciyaariyahan ayaa u wada ciyaara kooxda Spain ka dhisan ee Valencia.

Liverpool ayaa sidoo kale rabta in ay kasoo xado Tottenham laacibkooda Robi Keane, inkasta oo ay labada kooxood isku haystaan qiimaha oo joogo weeraryahankan u dhashay Ireland.

 

M,deeq.

deeyoo2003@hotmail.com

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore