|
Ronaldinho
oo ka mid noqon doono xidigaha Brazil ugu qeyb gelaayo ciyaaraha
Olympic Games oo dhowaan ka furmaya Shiinaha

08.07.2008, deeyoo.com
Xididga weyn ee reer Brazil Ronaldinho ayaa si lama filaan ah
uga mid noqdey xidigaha uu magacaabay tababare Dunga ee ka qeyb
gelaayo ciyaaraha Olypic Games oo 6da Agoosto ka furmaya dalka
Shiinaha.
Ronaldin oo hore laba jeer u noqdey ciyaaryahanka sanadka
aduunka ayaa mudo hal sano ah ka maqnaa oo uusan u ciyaarin
xulka Brazil dhaawac iyo isagoo aan sidii lagaga bartey u
ciyaarin darteed hase yeeshee magacaabistan ayaa lama filaan ku
noqoqtey inta badan bahda isboortiga maadaama xiriirka ka
dhexeeyo Dunga iyo Ronaldino uu markii horeba aad u
wanaagsaneyn.
Xidigaha kale ee laga dhex arki doono qaranka Brazil waxaa ka
m id ah Robinho, xidiga da`da yar ee Milan Pato, xidiga
Man.United Anderson, Lucas Leiv oo Liverpool ah iyo
gooldhaliyaha cusub ee Man.City Jo.
Brazil waxey 5 jeer ku guuleysteen koobka aduunka hase
yeeshee marna uma suura gelininey hantaan koobka Olypikada
aduunka oo markii ugu dhoweyd ay finaale soo gaareen sanadihii
1984kii iyo 1988kii.
Ronaldinho iyo Robenho ayaa labadaba ka mid ah ciyaaryahanada
da`da weyn ee loo ogolyahay dalkasta inuu ku xoojiyo xulkiisa si
ay xiisad u yeelato kubada cagta ee Olypic Games.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |