|
Roberto Carlos
oo kusoo wajahan Chelsea iyo wararkii ugu dambeeyey ee suuqa
kala gadashada ciyaartoyda
08.07.2008, deeyoo.com
Xidigii hore ee qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Roberto
Carlos ayaa laga yaabaa inuu kasoo tago kooxdiisa
Fenerbahce oo ka dhisan
dalka Turkiga una soo wareego naadiga weyn ee Chelsea oo uu hada
tababare ka yahay macalinkiisii hore ee qaranka Ingiriiska Luiz
Felipe Scolari.
Roberto Carlos oo hada 35 jir ah ayey Chelsea hore isugu
dayeen iney lasoo wareegaan xiligii uu halbowlaha u ahaa Real
hase yeeshee ay ku guuldareysteen laakiin hada oo uu tababare u
yahay Scolari ayey damacoodii soo celiyeen inkastoo Carlos
sheegay inuusan weli waxc wada hadal ah la yeelan tababare
Scolari tan iyo markii uu noqdey macalinka cusub ee Chelsea.
Carlos wuxuu ka mid ahaa xidigihii qaranka Brazil ee uu
macalinka u ahaa Scolari kuna guuleystey koobkii aduunka ee
2002.
Xidiga weyn ee qaranka Ruushka
Andrei Arshavin oo aad
usoo shaac baxay ciyaarihii qaramada qaarada Yurub ayaa la
sheegayaa inuu ku biiri doono mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee
Ingiriiska iyadoo ay hore usoo bexeen warar sheegayey in Arsenal
iyo Chelsea ay daneynayaan xidigan 28 jirka ah inkastoo ay
kooxdiisa Zenet sheegtay ineysan xiriir lasoo sameyn koox ka
dhisan dalka Ingiriiska.
Barcelona ayaa ah kooxda keliya ee xiriir toos ah la sameysay
kooxda Zenit si ay ula soo wareegaan Arshavin hase yeeshee
qiimaha ay ku doonayaan uu aad uga yaryahay kan ay Zenit ku
rabaan in lagaga gato.
Kooxda Chelsea ayaa si cad u sheegtay in Lampard uu kooxda
lasii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda isla markaana ay u
sheegeen kooxda Inter oo lasoo xiriirtay in xidigooda qadka
dhexe uusan iib aheyn.
Waxaa jiray warar sheegayey in tababaraha cusub ee Inter
Mourinho uu aad u doonayey in Lampard ka mid noqdo kooxdiisa
cusub hase yeeshee Mourinho ayaa hore u muujiyey sida aysan u
fududeyn in Lampard oo hal sano oo keliya kaga harsan
qandaraaska uu kula jiro Chelsea isla markaana dhanka kale
cadeeyey inuusan shaki ka qabin in Lampard xiran doono maaliyada
Inter sanadka soo socda marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro
Chelsea iyadoo ninka wakiilka u ah Lampard oo lagu magacaabo
Steve Kutner uu isna ka dhawaajiyey in weli ay suurta gal tahay
in Lampard ka tago Chelsea maadaama aan hore loogu guuleysan
wadahadalkii u socday isaga iyo kooxda oo soo jiitamaayey in
kabadan 2 sano.
Gooldhaliyaha weyn ee Chelsea Drogba
ayaa lasoo sheegayaa
inuu heshiis la gaaray kooxda Inter oo uu hada tababare u yahay
macalinkiisii hore ee Chelsea Mourinho.
Tan iyo markii uu Mourinho ka tagay Chelsea waxaa jiray warar
iska dabaimaanayey oo sheegayey in waqtigii Drogba ee Chelsea uu
dhamaaday iyadoo tababaraha cusub ee Chelsea Scolari uu dalbaday
in Drogba la gado maadaama uusan niyad u heyn kooxda inkastoo
aysan weli labada kooxba xaqiijin heshiiskan lasoo sheegayo in
Drogba u wareegi doono Inter. Sidoo kale Scolari wuxuu dalbadey
in Shevchenko isna la gado iyadoo la filaayo in dhowaan uu u
wareego kooxda Milan.
Boortaha ruugcadaaga ah Grégory Coupet ayaa kasoo tagay
kooxdii uu 11 sano la joogay ee Lyon isagoo u soo wareegay
kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid.
Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa ka tagaya Liverpool una
wareegaya kooxdiisii hore Portsmouth iyadoo labada koox ay
gaareen heshiis hor dhac ah iyadoo Liverpool ay heli doonto
lacag dhan 10 milyan oo Pound.
Ciyaaryahan Daniel Guiza oo ahaa xidigii ku guuleystay
tartanka gooldhalinta Spain sanadkan isagoo 27 gool ku qaaday
isla markaana dhaliyey 2 ka m id goolashii Spain ciyaarihii
qaramada Yurub ayaa usoo wareegay kooxda Fenerbache oo uu
tababare u noqday dhowaan Aragones oo Spain usuura geliyey iney
ku guuleystaan qaramada Yurub. Kooxdiisa Mallorca ayaa la
sheegayaa in xidigan 27 jirka ah ay ku heshay qiime dhan 17
milyan iyo bar euro.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |