|
Tartankii
xiisaha badnaa ee Eurosom 2008 oo galay malintiisii labaad

Bidix: Gudomiyaha Eurosom Diini iyo Gud.
Farsamada Muridi Noor & Abdulkadir Biriq
20.07.2008, deeyoo.com
Ciyaarihii xiisaha badnaa ee Eurosom 2008 ayaa galay
maalintoodii labaad iyadoo kulamadii maanta oo aad u xiisa
badnaa ay kooxaha Birmingham iyo Kanava 4-2 iyo 4-0 sida
ay u kala horeeyaan uga kala badiyeen kooxihii ku ciyaarayey
magaca Alhijra iyo Gothenborg.
Kulankii hore oo raali geliyey dadweynihii usoo daawashada
tagay ayey dhalinyaradii Birmingham si lama filaan ah 4-2 uga
badiyeen kooxda Alhijra oo ka mid ah kooxaha ugu adag ee
tartankaan ka qeyb gelaayo isla markaana loo maleynayo in ay ku
guuleysan doonaan.
Kulankaan ayaa qeybtii hore u muuqday mid
miisaaman iyadoo ay labada kooxba isdaba socdeen, kooxdii
Birmingham ayaa laba jeer hogaanka qabatey iyadoo labada marba
ay Alhijra bareejeeyeen oo ay 1-1 iyo 2-2 gaarsiiyeen hase
yeeshee mar la islahaa Alhijra ayaa ugu dambeyn adkaan doonto
ayey dhalintii Birmingham lasoo bexeen ciyaar aad u farsameysan
isla markaana heleen fursado aad qaali u ahaa ugu dambeyntiina
guusha ku raacdey 4-2.

Garsoorayashii qabtay kulankii Birmingham vs
Alhijra
Ciyaaryahanka da`da yar ee reer Birminham Cawale Xasan ayaa
si aad ah uga dhex muuqday garoonka noqdeyna xidigii garoonka
isagoo kooxdiisa u dhaliyey labo ka mid ah goolashii ay ku
badiyeen.
- Waxaan rajeynayaa inaan soo gaarno finaalaha
tartankan oo hadii aan sidamaanta oo kale u ciyaarno aan
rajeynayo inaan ku guuleysan doono ayuu yiri ciyaaryahan Cawale
oo kulankii maanta ka dib u waramayey deeyoo.com oo sida uu noo
sheegay u ciyaara kooxda Kiddminister FC oo ka mid ah kooxda
heerka 3aad ee dalka Ingiriiska.

Bidix: Awale iyo Gudoomiye Mubarak
Sidoo kale waxaa noo suura gashay inaan wax ka weydiino
guushii lama filaanka aheyd ee naadiga Birmingham gudoomiyaha
kooxda Mubarak Yusuf Bidhi oo noo sheegay in sanadkan ay ku
guuleysan karaan tartankan isagoo u mahad celiyey dhamaan
ciyaartoyda iyo macalinkooda Cabdi Casis diyaargarowga wanaagsan
oo ay sameeyeen.
Kulankii labaad oo isna aad u xiisa badnaa ayaa
naadigii Gothenborg 4-0 lagaga naxsadey iyadoo kooxdii reer
Finland ee Kanava oo uu si gooni ah uga dhexmuqdey ciyaaryahan
Amin Cabdi oo dhaliyey 2 ka mid ah goolashii kooxdiisa una suura
geliyey in dhibcihii kulankaan ay la hoydaan.

Godah iyo Amin Abdi
Sida uu noo xaqiijiyey Xoghayaha Warfaafinta ee dalada
Eurosom mudane Abdiaziz Godah waxaa sababo xaga safarka awgeed
tartankan uga baaqdey kooxihii ka kala imaan lahaa dalalka
Danmark iyo Holland taasoo sababtey in Jadwalkii ama isku aadkii
tartankan la badalo.
- Runtii waxaa jira sharci u dagsan Eurosom dhanka marti
gelinta waxaa la siinayaa dalkii dalkii ama magaaladii dalbata
hadii ay tusaale ahaan labo dal ama ka badan wada codsadaan
waxaa loo qaadayaa cod halkii loo bato ayaana lagu qabanayaa
marka hadii ay Leicester ama magaalo kale oo Ingiriiska ah
dalbato looguma diidi karo kooxaha dalalka kale ayey dhib ku
tahay iney kasoo qeyb galaan ayuu ku jawaabay mudane Godah oo
aan weydiinay bal iney ka fekerayaan mustaqbalka in ciyaarahaan
lagu qabto meel ka tirsan dalka Ingiriiska maadama dhalinyarada
ka imaaneysa wadamada kale ee aan heysan dhalshada dalka ay
degen yihiin ay dhib ku tahay mar hadii viso laga rabo
safarkooda Ingiriiska.

Guud ahaan jawiga halka ciyaarahan lagu qabanayo ayaa ah mid
aad u degen oo jawi farxadeed leh waxaana rajeyneynaa in
uu guul ku dhamaado
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |