| Dhageyso |
 |
|
|
|
Tartankii
Tobanaad ee ciyaaraha EUROSOM oo ka bilaawday magaalada
Leicester ee dalka Ingriiska
Xafladii Furitaanka
20.07.2008, deeyoo.com
Waxaa galabta si habsami ah loo furay tartankii tobonaad ee
ciyaaraha xagaaga Eurosom. Tartankan oo ka furmay magaalada
Leicester ee dalka Ingriiska ayaa tobanjirsaday.
Xafladda furtaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa
waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii qabanqaabada.
Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb
galay ciyaaryahandii heerka kuwaad caan ku ahaan jiray dalka
Soomaaliya, maamuladoodii, siyaasiyiin ka kala socotay magaalada
Leicester, hay'ado wax kaalmeeya iyo dhamaan bulshaweynta
isboortiga Somaaliyee ee wadanka Ingiririiska.
Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey garoonkii loogu talagalay iney
ciyaarhan ka dhacaan, waxaan martidii halkaas isugu timid ay ka
soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa ciyaarahan iyo
dhamaan isdhexgalka dhalinyaradan ka kala timid wadamo kala
duwan.

Xafladaan ayaa waxaa furay Mudane Hashim Ducaale oo xiriiriyana
ka ahaa kana tirsan guddiga qabanqaabada Eursom ee Leicester.
Dadkii ka hadlay xaflada furitaankaas ayaa waxaa ka mid ahaa
Duqa magaaladda Leicester (Lord Mayor) Manjula P Sood. Sood ayaa
hadaladeedii waxaa ka mid ahaa in ay ku faraxsantahay in maanta
ay aragto Somaalida sida ay marba marka ka danbeeysa ay
horumarka ay ku talaabsanayaan.
Waxaa
sidoo kale halkaas ka hadlay: Mudane Cabdul Cismaan Guddoomiye
ku xigeenka degmada Leicester, Mudane Steve Hamphries Maamulaha
guud ee ciyaaraha Olombikada fudud ee curyaamiinta Yurub 2008
‘Leicester’, Mudane Isaaq Cabdi, Guddoomiyaha Dallada Ururada
Soomaaliyeed ee Leicester, Mudane Chris Eyre, Taliye xigeenka
Booliiska gobolka Leicestershire iyo Rutland, Marwo Jawaahir
Daahir, Maamulaha Guud ee ururka Somali Development
Services-SDS, Marwo Clare, maamulaha iyo xiriiriyaha guud ee
ururada West Midlands, Mudane Axmed Bile, Maamulaha guddiga
qabanqaabada ciyaaraha EuroSom/Leicester, Mudane Duraan Faarax,
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed
Iyo Mudane Max’ed Diini, Guddoomiyaha Dallada EuroSom-ES
Waxaa lagu sharfay inay laadaan kubadda furitaanka ciyaaraha
EuroSom ee Leicester 2008 Mudane Max’ed Ismaaciil Cali iyo Marwo
Shukri Dhalbaas oo labadaba ka mid ahaa halyeeyadii Isboorti ee
Soomaaliya.
Ciyaartii ugu horaysay ee furitaanka ciyaaraha ES 2008 waxaa
fooda isku daray kooxaha Waaberi FC oo koonfurta London ka
socotay iyo Leicester FC oo iyadu martigelisay ciyaarahan.
Ciyaataan oo aad u xiisa badnayd, ayna dad badani usoo daawasho
tageen waxay guushii ku raacday kooxda Waaberi FC oo 3-1 kaga
badiyay ciyaartoydii Leicester FC.
Ciyaartii 2aad ee isla maalintan furitaanka dhacday waxaa isaga
horyimid kooxaha SUKAO ee Oslo-Norway iyo SOBSI oo dalkaasi
Biljim ka socotay, waxaana ciyaartan loogu awood sheegtay kooxda
SOBSI 4-1.
Xusuusin: Hoos waxaa ka
daawan kartaa sawiro badan oo xafladii furitaankii
Waxaa warbixintaa magaalada Leicester ee dalka Ingriiska nooga
soo diray
Cabdicasiis Godax Barre
E-mail:
agodah@hotmail.com



  
     
deeyoo_edit@hotmail.com |

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|