Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Alhijra oo ku tumatay Gothenborg kana reebtay koobka Eurosom 2008

Kooxda Alhijra

23.07.2008, deeyoo.com

Naadiga Aljira waxey kulankii maanta 6-0 ku dhufteen kooxda Gothenbor oo hada ka hartey koobkan inkastoo weli hal kulan usii dhiman yahay.

Labadan koox oo min hal guul daro watay ciyaartii maanta ka hor ayey koox weliba ku dadaaleysey iney badiyaan maadaama kooxdii laga adkaado ay ka hareysey tartanka iyagoo bilowgii ciyaarta weerar iyo weerar celis ahaa.


Jamal oo ahaa xidiga garoonka

Laakiin ciyaaryahanka da`da yar Jamal oo lambar 10 u watey Alhijra ayaa labo gool oo isku xiga u dhalkiyey kooxdiisa rajo wanaagsana geliyey ciyaartoyda iyo taageerayaasha Alhijra.

Gothenborg ayaa markaas ka dib ku dadaashay iney ciyaarta kusoo noqdaan oo ay iska soo gudaan goolasha looga hormarey hase yeeshee bedelkeeda ciyaaryahan Abdihakin oo lambar 8 u watay kooxda Alhijra ayaa goolkii ugu quruxda badnaa tartankaan u dhaliyey kooxdiisa taasoo rajo beel gelisey kooxdii kasoo horjeeday.

Qeybtii labaad ayey fursado wanaagsan heleen kooxda Gothenborg hase yeeshee mar kale ayey laacibiintii Alhijra ciqaabeen Gothenborg iyagoo saf usoo galay liiska gooldhalinta waxaana 3 gool daqiiqadihii ugu dambeeyey u kala dhaliyey Nasir oo 22 watey, MJ oo 5 watey iyo Nooh Aden oo lambar 20 watey.

Dhanka Gothenborg waxaa aad ugu dhex muuqday ciyaaryahan Ahmed Muse oo kulankii maanta muujiyey dadaal dheeri ah inkastoo uusan kooxdiisa ka badbaadin karin guuldarada weyn ee dhabarka loo saaray.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore