Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Birmingham oo usoo baxday semifinaalka Eurosom 2008

Naadiga Birmingham

23.07.2008, deeyoo.com

Kooxda Birmingham ayaa noqotey naadigii ugu horeeyey ee soo gaara semifinaalka Eurosom 2008 markii ay 4-1 ugu awood sheegteen naadiga Kanava Finland  oo ah naadigii difaacanaayey koobka.


Roberto oo ahaa xidigii garoonka

Kulankaan oo aad u adkaa ayaa la dhihi karaa awood ahaan labada koox wey isku dhowaayeen hase yeeshee ciyaaryahan Roberto oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Jameyka ayaa ahaa farqiga labada koox u dhexeeyey dhaliyeyna 3 ka mid ah goolashii ay ku badiyeen Birmigham.

Goolka kale waxaa Berningham u dhaliyey laacibkooda Ridwaan halka goolka keliya oo ay dhaliyeen Kanava uu shabaqa ku hubsadey ciyaaryahan Ridwaan.

Kanava oo ah kooxdii sanadkii hore ku guuleysatey koobkan ayaa badisey kulankii hore iyagoo weli rajo fiican ka leh usoo bixitaanka semifinaalka inkastoo ay kulanka ugu dambeeyo la yeelanayaan kooxda Alhijra oo ka mid ah kooxaha sanadkan loo saadaalinaayo iney ku guuleysan doonaan koobkan.


Gudiga farsamada iyo marti sharafeed

Farxaan oo lambar 9 u watey Kanava ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee qaata calaamada guduudan markii uu aflagaadeeyey garsoorihii ciyaarta xili kooxdiisa lagu lahaa 3 gool taasoo sii adkeysay rajo kasta oo ay ku bareejeyn kareen kooxda Birmingham oo u ekeyd iney si wanaagsan u kontoroolayeen guud ahaan ciyaarta.

- Wuxuu ahaa kulan aad u qurux badan oo adag waana ku faraxsanahay in ugu dambeytii aan guuleysano ayuu yiri Roberto oo aanu wareysaney ciyaarta ka dib isagoo sii raaciyey in koxdiisa ay ka dhisan tahay difaaca, qadka dhexe iyo weerarkaba uuna rajeynayo in ugu dambeyn ay ku guuleystaan koobkan.

Roberto oo guud ahaan labadii kulan ee uu saftey dhaliyey 4 gool kana mid ah min labada ciyaaryahan ee  ajnabiga ah ee uu sharciga Eurosom u ogolyahay koox kasta iney ugu  qeyb gali karaan tartankaan ayaa dadkii uu indhohooda soo jiitay waxaa ka mid ahaa garsoorihii ciyaarta oo ugu hambalyeeyey kulankii wanaagsanaa ee uu ciyaaray isla markaana kubad uu saxiixay gudoonsiiyey.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore