|
Sacid Cayrow
" Xulka kubada cagta waa in laga xulaa gudaha dalka
Sacid Cayrow
02.08.2008, deeyoo.com
Saciid Ceyrow oo caanka ah bulshada isboortiga Soomaaliyeed
kana mid ah raga sida aadka ah ugu mashquulsan horumarinta
isboortiga Soomaaliyeed ayaan kula kulanay magaalada Leicester
ee dalka Ingiriiska oo dhowaan lagu soo gabagabeeyey tartankii
xiisaha lahaa ee Eurosom 2008.
Siciid Ceyrow oo tababare u ahaa kooxda Waaberi oo ka dhisan
xaafada Streatham ee magaalada London ayaa waxaa noo suura
gashay inaan wareysi kooban kala yeelano aragtidiisa mustaqbalka
kubada cagta Soomaaliya.
- Tan iyo markii aan imid dalka Ingiriiska waxaan aad ugu
mashquulsanaa inaan qibradeyda isboorti usii gudbiyo dhalinta
soo koreysa waxaana soo leyliyey 5 koox intii u dhexeysey 1999
ilaa waqtigan la joogo waxaana ka mid ahaa kooxihii aan soo
leyliyey Jeenyo, Iftin, LCF London iyo Waaberi oo aan ilaa iyo
hada macalin u ahay ayuu ku jawaabay Siciid Ceyrow oo aan
weydiinay bal inuu weli ku dhex jiro isboortiga Soomaaliyeed oo
xiligii uu ciyaarayey ahaa nin aad uga dhex muuqdey kooxdiisii
Horseed iyo xulkeenii qaraka.
Mar aan weydiinay farqiga u dhexeeya xiligii uu ciyaaryahanka
ahaa iyo dhalinta maanta wuxuu ku jawaabay in waqtigii uu
ciyaaryahanka ahaa uu isboortigu balwad iyo shaqo u ahaa iyagoo
waqtigooda inta badana ku dhumin jiray isboortiga hase yeeshee
ay dhalinta maanta badankood aysan shaqo u arkin isla markaana
uu waqtigooda ciyaaraha aad u yaryahan maadaama ay u badan
yihiin arday iyo shaqaale muruqmaal ah.

Bidix:Sacid Cayrow, Loolow iyo Biriq
- Hadii la helo ciyaaryahan Soomaaliyeed oo caan ah kana
ciyaara garoomada caalamiga ah wey suura geli laheyd in la helo
ciyaaryahano kale oo farabadan oo Soomaaliyeed oo tiigsada
halka uu walaalkood gaaray laakiin inta ka horeysa rajada ay
ciyaaryahanada Soomaaliyeed ka qabaan iney mustaqbal wanaagsan
ka gaaraan isboortiga ilama badna ayuu ku jawaabay Siciid Ceyrow
oo aan weydiinay sababta dhalinta maanta aysan shaqo uga dhigan
isboortiga oo marka la fiiriyo xiligii uu ciyaarayey iyo hada ay
aad u kala duwan yihiin xaga dhaqaalaha iyadoo ciyaaryahano
badan ay qaataan 100 kun oo pound todobaadkii halkii ay xooga ka
saari lahaayeen shaqooyin kale oo ugu badnaan ay helayaan 15 kun
ilaa 20 kun sanadkii.
Saciid Cayrow oo aan weydiinay maadaama uu inta badan
daawanayey kulamadii Eurosom inuu u maleynayo ciyaaryahanada
qaar iney u qalmaan xulka qaranka Soomaaliya ayaa aad ugu
dheeraaday amaanta uu usoo jeedinayey dhalinta isboortiga maanta
isagoo tilmaamay in ciyaaryahano badan oo tartankaan ka qeyb
galay iyo kuwo kale oo ka maqan intaba ay u qalmaan iney boos ka
helaan xulkeena Soomaaliya laakiin xaaladaha maanta jira awgood
uuna talo ahaan soo jeedineynin in lagu daro qaranka Soomaaliya.

Sacid Cayrow iyo Magan
- Xulka qaranka Soomaaliya waxaan qabaa in dhamaan laga qaato
gudaha Soomaaliya maxaa yeelay sida runta ah waxaa imaanaya
cuqdad ay kala qabaan labada dhinac iyo isla qabsi la`aan
hadiisi la heli karo in ciyaartoyda dibada laga qaadanaayo ay
qiyaastii mudo 3 bil ah tababar la qaadan karaan kuwa gudaha oo
ay helaan waqti ay isku bartaan isla markaana ay is ciyaar
fahmaan waa Okey laakiin taas in la helo wey dhib badnaaneysaa
xaalada Soomaaliya ka jirta awgeed iyo ciyaaryahanada dibada oo
ay dhib ku noqoneyso iney helaan fasax dheer maadaama ay arday
ama shaqaale u badan yihiin ayuu ku jawaabay Siciid Ceyrow
su`aal aheyd sababta uu ugu diidayo mar hadii farsamo ahaan iyo
jir ahaanba ay u qalmaan iney u saftaan qaranka Soomaaliya.
Saciid Cayrow ayaa weydiinay Siciid ahaan sida uu u arko
hadii qaranka Soomaaliya lagawada qaato banaanka sida tusaale
ahaan qaranka Iraq oo dhowaan ku guuleystay tartankii qaramada
qaarada Asia iyadoo ciyaaryahanadii magacooda ku ciyaarayey mid
keliya uu ka yimid gudaha Iraq inta kalena dibada lagasoo
uruurshay ayaa si weyn uga soo horjeestey fikirkaas wuxuuna
sheegay in taas macneheeda tahay hala xabaalo isboortiga
Soomaaliya oo ciyaaryahanada hada ka ciyaara horyaalka
Soomaaliya rajo ka qabaan iney boos ka helaan xulka qaranka
taasoo magac ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay niyada ku hayaan
hadiisa aysan jirin meel ay hiigsadaan waxaa adkaaneysa in lasii
wado horyaalka Soomaaliya hadii uu horyaalka istaagana waxaa
wada istaagaya dhaqdhaqaaq kasta oo isboorti oo Soomaaliya hada
ka jira.

Bidix: S.Ceyrow, Asad Afey iyo Biriq
- Rageenii hore ee isboortiga kusoo dhex jiray waxaa moodaa
in hada noolaga horeeyo abaabulka iyo isku dubaridka isboortiga
Soomaaliyeed laakiin waa wax wanaagsan qofkii doonaba haka
timaadee iney jiraan rag u taagan horumarinta isboortigeena oo
si gaar ah aan u tilmaamayo hogaanka Eurosom oo runtii ku
dayasho mudan isla markaana la iska ilaaliyo dano dhaqaale in
lagu fushado isboortiga taasoo marka dambana lagu kala tago
iyadoo hadii ay soo noqnoqotana laga yaabo in dhalinyarada
niyada u heysa ciyaaraha ay ka niyad jabaan qofkasta oo isku
daya inuu si run ah ugu adeego isboortigeena ayuu ku jawaabay
Sicid Ceyrow mar aan kula kaftamay in ragii hore ee isboortiga
caanka ku ahaa lagaga horeeyo abaabulka tartamada isboortiga iyo
loolanka hogaanka isboortiga Soomaaliya.
Saciid Ceyrow ayaa ugu dambeyn ka gaabsadey inuu amaano ama
dhaleeceeyo hogaanka XSKC, GOS iyo tusaale ahaan garbihii kala
jajabay ee ciyaarihii xiisaha lahaa ee Stockholm isagoo
bedelkeeda ka codsadey in shakhsi kasta oo Soomaaliyeed oo ku
dhex jira isboortigeena dalka gudihiisa ama debadiisaba iney si
daacadnimo ah ugu shaqeeyaan isboortiga.
- Walaalayaalow isboortiga yuu noqon mid aad ku gaartaan
danihiina gaarka ah ee ha noqdo mid aad wax walba u hurtaan
horumarkiisa wax walbana ka hormarisaan ayuu ugu dambeyn talo
ahaan usoo jeediyey Sacid Hassan oo inta badan loogu yeero Sacid
Cayrow
Waxaa wareystay
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |