Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Kooxda Waaberi London oo ku dhow semifinaalaha Eurosom 2008, rajadii Leicester oo soo noqotay

Kooxda Waaberi oo ay ka dhex muuqdan tababare S.Cayrow, Loolow iyo Magan

22.07.2008, deeyoo.com

Naadiga Waaberi oo ka dhisan magaalada London ayaa qarka usaaran iney usoo gudbaan semifinaalka tartanka xiisaha badan ee Eurosom 2008 markii ay kulankii maanta 5-1 ku duugeen kooxda Sobsi oo ka socotay dalka Beljim halka kulankii kale ee isla guruubka B ay kooxda Leicester oo ah magaalada sanadkan marti gelineysa tartankan ay 2-1 uga badiyeen kooxda Sokao ee magaalada Oslo.


Cabas

Ciyaaryahan Najiib oo lambar 6 u watey Sokao ayaa gool rigoore ah u dhaliyey hase yeeshee dhammadkii ciyaarta ayuu Cabas oo lambar 9 u watey kooxda Leicester dhaliyey 2 gool ciyaartiina ka dhigay iney kooxdiisa ku badiso 2-1.

Ciyaartaan oo aheyd mid aad u xamaasad badney dhalinyaradii u safaneysay labada kooxna ay muujiyeen dadaal iyo karti ayaa waxaa si gooni ah looga xusi karaa kabtanka kooxda Sokao Deeq oo lambar 7 u watay iyo gooldhaliyahooda Najiib halka kooxda Leicester laga xusi karo Nasir oo watey lambar 10, Mahamed oo lambar 8 iyo halyeygoodii kulankaan Cabas oo ahaa xidigii garoonka.


Kabtanka Sokao Deeq

- Weli rajadeena ma xuma oo hadii aan badino kulanka soo socda waxaan heysanaa fursad aan ku gaari karno semifinaalka ayuu yiri kabtanka Sokao Deeq o intaas raaciyey in kooxdiisa ay yihiin kooxda ugu dhalinta yar ee tartankaan ka qeyb galeyso mar uu la hadlaayey deeyoo.com kulankii laga adkaadey ka dib.

Kulankii labaad oo qeybtiisii hore u ekaa in labada kooxba ay farsamo ahaan isku dhow yihiin ayaa qeybtii dambe la dareemayey iney aad u daaleen kooxdii reer Beljim ee Sobsi isla markaana ay dadaal dheeri ah lasoo bexeen dhalintii ku ciyaareysey Waaberi oo reer London ah oo gabagabadii 5-1 ugu awood sheegatey Sobsa.

Ciyaaryahan Mahamed Hadafow ayaa 3 ka mid ah goolasha Waaberi dhaliyey isagoo kulankaan ahaa xidigii garoonka hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta dhaawac soo gaaray dartiis loo bedelay.


Mahamed Hadafow (Roneey) oo dhaawac lugta iyo gacanta laga daweynayo

Ciyaaryahan Hadafow oo dadka ay ku naaneysayeen Rooney ayaa niyad wanaag ka muujiyey dhaawaciisa sheegayna inuu rajeynayo inuu safto kulanka soo socda hase yeeshee markii dambe uu macalinkiisa Sacid Ceyrow noo sheegay inuu nasinayo oo uu u dhiganayo kulamada Semefinaalka.

- Dhamaan ciyaartoydeena maanta waxey soo bandhigeen niyad iyo ciyaar wanaag aadbaana ugu faraxsananahy guusha maanta ay soo hoyeen runtiina wey u qalmaan maxaa yeelay waxaan sameyney diyaargarow aad u weyn ayuu yiri macalinka Waaberi oo ah shakhsi aad ugu canbaxay isboortiga Soomaaliya Sacid Hassan oo loo yaqaano (SACID CAYROW) oo aanu wareysaney ciyaarta ka dib.


Tababare Sacid Cayrow

Sacid Cayrow oo hore laf dhabar ugu ahaa kooxdii kubada cagta Horseed iyo xulkeenii qaranka ayaa ugu dambey muuijiyey sida uu ugu kalsoon yahay in sanadkan ay kooxdiisa hanan karto koobka isla markaana ay geyn doonaan STREATHAM oo ah xaafada ay ka dhisan tahay kooxda oo ku taala magaalada London.

Waaberi London ayaa guruubkan 6 dhibcood ku hogaamineysa maadaama ay wada badayeen labadii kulan ee ay ciyaareen halka kooxaha Sokao oo reer Oslo ah iyo Leicester ay min 3 dhibcood wada leeyihiin rajadoodana aysan xumeyn halka kooxda Sobsa ee reer Beljim ka hartay tartanka eurosom 2008 laakiin uu hal kulan u dhiman yahay.

Tabaraha Sobsa Abdirashid ayaa balan qaadey in tartamada soo socda ay ka qeyb geli doonaan isla markaana natiijo wanaagsan soo hoyn donaan wuxuuna kooxdiisa ku amaanay ciyaartii ay soo bandhigeen maadaama sanadkii ugu horeeyey ay ka qeyb gelayaan isla markaana 7 ka mid ah xidigihii ay ku tashanayeen ka maqan yihiin VISA la` aan.


Macalinka Sobsi Abdirashid

Guud ahaan jawiga tartankaan ayaa ah mid qurux badan iyadoo aad arkeysid wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa madaxda dalada Eurosom, gudiga Farsamada iyo weliba horjoogayaasha naadiyada ka qeyb gelaayo tartankan.


Kooxda Sobsi (Beljim)

Berito oo Arboco ah waxaa wada ciyaari doono Birmingham vs Kanava iyo Gothenborg vs Alhijra oo aan idiin soo gudbin doono natiijada ay ku dhamaato hadii Alle idmo.


Garsoorayaashii qabtay kulankii Sobsi-Waaberi

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore