|
Kooxaha
Leicester iyo Al-Hijra oo isugu soo haray finaalaha Eurosom 2008
Naadiga Leicester
27.07.2008, deeyoo.com
Waxaa
baryahanba si xiiso leh uga socdey magaalada Leicester ciyaaro
aad u xiiso badan oo ay dadweyne badana usoo daawasho tagaan
maalin walaba, ciyaarahaas ayaa waxaa manta lacayaaray
Semifaynalkoodii, waxaa ciyaarahaas isaga horyimid kooxaha kala
ah Birmingham vs Leicester,Al-Hijra vs Waaberi.
Ciyaartii ugu
horeysey manta ayaa waxaa isaga horyimaadeen labada kooxood ee
kala ah Birmingham iyo Leicester, ciyaartaan ayaa waxaa ay aheyd
ciyaar aad u adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar
wanaag ay ku dheehneed degenaan .

Sicid H. Sicid
Ciyaarta ayaa
waxaa weerar iyo weerar celis ka dib ay qaybtii ugu horeeysey
kusoo gabagaboowdey 0-0. Qaybtii labaad ayaa markii ay labaddii
kooxood wadatashi iyo dardaaran lasoo suubiyeen
tababarayaashooda ayaa waxaa intii aysan dhamaan ciyaarta
qaybteeda labaad ayaa waxaa usuuro gashay inay dhaliyaan gool
kooxdii Leicester, goolkaasna waxaa u dhalyey inanka 23 u sita
kooxda Leicester magaciisana layiraah SICIID H. Siciid, sidaas
ayaana kooxda Leicester waxaa ay ugu soo gudubtay ciyaartii kama
danbaysta aheyd. Kooxda Birmingham ayaan waxaan ka xasuusanaa
ciyaaryahanka nro sideedaad ee kooxdaa Cabdicasiis oo ahaa
kabtanka kooxda kaas oo waxbadan isku dayey inuu dhiirigeliyo
kooxdiisa.

Ciyaartii
labaad ayaa waxaa isaga horyimid labada kooxood eek ala ah
Waaberi iyo Al-Hijra, labadan kooxood ayaa waxaa ay ahaayeen
laba kooxood oo aad loosugayey, kooxahan ayaa waxaa ay ka mid
yihiin kuwa EuroSom ugu adag, hase ahaatee ciyaartii markii ay
bilaabatay ayaa waxaa durbadiiba dareemaysey iney soo
diyaargaroobeen labadan kooxood oo koox walba waxaa ay rabtay
iney usoo baxdo ciyaarta Finalka ah ee laciyaaridoono maalinta
31.7.2008.

Kooxda Al-Hijra
Ciyaartan ayaa
qaybtii koowaad waxaa ay ku dhamaatay eber iyo eber, horaybaa
waxaa loo yiri ciyaari waa gelindanbe, si kastaba ha ahaatee
waxaa ay ciyaartii kusoo gabagaboowdey Al-Hijra oo halgool ugu
soo gudubtay Finalka, waxaana u dhaliyey Abdinaasir Siciid
Geesey. iyo waaberi oo aan waxba dhalin.

Abdinasir Geesey
Macalimiinta
kooxahan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo aan dhihi karo qibradooda
waa kuwo u qalma iney soo saaraan kooxo tirobadan oo
Somaaliyeed, Macalin Siciid Ceyrow ayaa waxaa uu ahaa
Ciyaaryahankii Naadiga Horseed iyo Qaranka Somaaliyaba, Halka
Macalin Rabiicna uu yahay macalinka keliya ee EuroSom ugu
asiyaaneysan, marna ka mid noqdey macalimiintii qaranka wax ka
hogaamisey.

Tababarayaal iyo rag kale oo magac ku leh
isboortiga
Haddaba
aqristayaalow ciyaarta finalka aha ayaa waxaa laciyaaridoonaa
maalinta 31.7.2008, waxaana isaga hor imaandoona kooxaha
Al-Hijra oo ka socota London iyo kooxda gurigeed martida loogu
yahay ee Leicester.
ABDIAZIZ GODAH
LOHJA-FINLAND
   
deeyoo_edit@hotmail.com |