Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Kooxaha reer England ee Waaberi iyo Leicester oo usoo gudbay semifinaalaha Eurosom

Waaberi London iyo macalinkooda Sacid Cayrow

24.07.2008, deeyoo.com

Naadiyada Waaberi London iyo Leicester oo labadaba ka socda dalka Ingiriiska ayaa soo gaaray semifinaalaha koobka Eurosom 2008 markii ay maanta ka kala badiyeen kooxaha SOkao oo Norwey ah iyo Sobsi oo Belgim ka socotey.

Kulankii hore Leicester waxey 4-3 uga adkaadeen kooxda Sobsi iyadoo dadweynihii daawanayey ay aad uga maqsuudeen, kulankaan ayaa la dhihi karaa wuxuu ahaa kii ugu xiisaha badnaa iyadoo bilowgii ciyaarta 3 gool lagaga naxsadey kooxdii martida loo ahaa ee Leicester hase yeeshee markii dambe ay guusha ku raacdey 4-3.


Kabtanka Waaberi London

Sobsa waxaa golasha ukala dhaliyey lambar 7 Gregory Akpele, lambar 9 Ahmed Muse iyo Abdirahman Ahmed Egal oo watay lambar 19 halka goolasha Leicester kala dhaliyeen Abas Sh. Ahmed iyo Siyad Xabib Siyad oo min labo gool kala dhaliyey.

Ciyaaryahan Mohamed Abdirazak oo u safta Sobsi ayaa noqdey ciyaaryahankii 2aad ee qaata calaamada guduudangaroonkana laga saaro markii ay ciyaarta ka dhineyd 10 daqiiqo.

Kooxda Waaberi ayaa noqotay kooxdii ugu horeysey ee semifinaalaha soo gaarta iyagoon laga badin bareejana aan galin markii ay si fudud ku dhaafeen kooxda Sokao.

Sokao oo ay rajadeeda ku xirneyd iney badiso ayaa bilow fiican heshay markii rigoore loo dhigay hase yeeshee aysan ka faa`iideysan.

Kooxda Waaberi ayaa u muuqda iney si weyn isugu soo diyaariyeen tartankaan waana koox ka dhisan xaga jirka, farsamada iyo akhlaaqdaba.


Kooxda Waaberi iyo (ka bilow bidix: Loolow, S.Cayrow, midig: Muridi iyo Diini)

Kulanka beri dhex maridoono kooxaha Alhijra vs Kanava ayaa la ogaan doonaa kooxda soo dhameystirta 4 koox ee semifinaalka usoo gudba iyadoo hore ay usoo baxday Birmingham oo sidoo kale kulan aan macne badan ku fadhin la yeelan doonto kooxda Gothenborg oo ah kooxda keliya ee illaa iyo hada aan wax dhibca ah iyo wax gool ahba helin.

Hadii kooxda Alhijra ay ka badiyaan ama bareejo la galaan kooxda Kanava waxey usoo bixi doonaan semifinaalka taasoo noqon doondo in afartii koox ee Ingiriiska ciyaarahan uga qeyb gelaayey soo wada baxaan hase yeeshee hadii Kanava adkaato waxey gurigooda u diri doonaan Alhijra oo aheyd kooxdii looga cabsi qabay iney hanan doonaan koobka.

Naadiga Leicester oo uu hogaaminaayey Macalin Cumar ayaa waxey xaflad casho sharaf  ah u sameeyeen dhamaan dhalinyaradaa kooxda Sokao Oslo taasoo jawi farxad leh ku dhamaatey. 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore