|
Tartankii ciyaaraha Orodadda
EuroSom oo maanta dhacay iyo Xaflad Soo dhaweyn ah oo xalay la
qabtay

Caruur ka qeyb gashay tartankii orodka Eurosom
2008
22.07.2008, deeyoo.com
Xusuusin:
Hoos ka fiirso sawiradii ciyaaraha
fudud iyo kuwii xaflada
Waxaa maanta oo ay bishu
tahay 21.07.2008 aheyd maalin nasasho ah oo aan laciyaarin
kubaddii cagta, lakiin sida aan lasocono waxaa ka mid ah
ciyaaraha EuroSom dhinaca kubada cagta , kan kolleyga,Kubadda
Miiska iyo Orodadda.
Aqristow waxaa maanta
hadaba madaama aysan jirin wax kaloo ciyaaro ah ayaa waxaa
laciyaaray ciyaarihii fududaa, sidaa darteed ayaan waxaan maanta
markii aan booqashadda ku tagay halkii ay cayaarahas ka
dhacayeen ayaa waxaan ku arkayey dhalin yaro yaryar oo da’dooda
u dhaxeeysey 3 jir ilaa iyo 17 jir, waxaad halkaas ka garan
kartaa ciyaaraha fudud iney yihiin kuwo guud ahaan geeska ay
afrika ay ku fiican yihiin.
Orodaii shalay iyo sidii lookala badiyey:
Da’da 3 jir ilaa iyo
4 jiradda orodka 50 m 1.Bilaal
Faarah 13.76 2.Cabdirizaq Farah 13.78
3.Shuceeyb Farah 14.13
Da’da 6 jir ilaa 7 jir 1.Xamsa Farah 11.47 2.Bilaal
Farah 11.50
3.Saciid Abdirahman
12.09 Da’da 8 jir ilaa 9 jir 1.Sakariya Maxamuud 9.65
2.Axmed Rashii 9.66
3.Abdulahi Farah
10.04 Orodka 100 m da’da 10 jir 1.Siciid Maxamud 11.34
2.Maxamud Maxamed 11.35
3.Hanad Xassan 11.70
Da’da 11 jir 1.Nuux Aden 11.56 2.Cabdiwaaxid
Cusmaan 11.81
3.Liibaan YareYere
11.82 Da’da 12 jir 1.Ciise Aden 11.82 2.Haaruun
Ciise 11.91
3.Maxamed Axmed 12.20
Da’da 13 jir 1.Liibaan Cabdullahi 14. 72 2.Cabdirahman
Ibrahim 15.41
3.Sharmarke Yaryare .
Waxaan markaan u gudbaynaa dhinaca
dhalinyaradda waa weyn ee da’dooda u dhaxayso 16 jir ilaa 20 jir.
Orodka 100 m
1.Maxmad maxamuud 13.22
koox Al-Hijra, 3.Ciid Yuusuf 15.38 kooxda Al-Hijra,2 Al-Hijra
Oradka 100 m Final
1.Maxamed Hadaafow
11.91 Waaberi,2. Maxamed Muumin 11. kooxda Al-Hijra. Yuusuf
Kaamil Al-Hijra
Orodka 800 m
1.Maxamed Muumin 2.20
kooxda Al-Hijra, Idiris Muuse 2.29 Bilgim,Mahad Cabdi 2.36
Leicester.
Orodka 1500 m
1.Mubaarak Ahmed 6.52
Al-Hijra. 2. Deeqow Maxamed 6.58 Al-Hijra. 3. Maxamed Jamac 7.15
Al-Hijra.
Waxaa sidoo kale
lasuubiyey xaflad aad u qiimo badnayd oo lagu soo dhaweynayey
marti sharafta EuroSom iyo dhamaan kooxaha EuroSom, waxaana
halkaas hadalo kala duduwan ka soo jeediyey gudigii
qabanqaabadda cayaaraha iyo maamulka EuroSom, waxaan halkaas ka
xasuusanaa Gudoomiyha iyo Xoghayaha guud ee EuroSom oo
taariikhda EuroSom oo faahfaahsan . Waxaa sidoo kale ka hadlay
Aabaha isboortiga Soomaaliyeed Prof.Musse Naasir waxaa uu
dhalinyaradda uu kula dardaarmay iney dadaalka intaas ka
badiyaan.
waxaa xusid mudan xusid
dhalinyaradan iney yihiin kuwo mustaqbal kuleh ciyaarahan fudud
Waxaa soo diyariyey
Abdiaziz Godah
Halkan ka fiirso sawiradii ciyaaraha
fudud iyo kuwii xaflada
            
deeyoo_edit@hotmail.com |