| Dhageyso |
 |
|
|
|
Ciyaar
K/Cagta ah oo lagu maamuusayay halyeyga Isboorti Nuur Jenyo oo
ka dhacday Garoonka Stadium Conis ee Magaalada Muqdisho.

Tartanka ciyaaraha
Isboortiga ee lagu maamuusayo halyeyga Isboortiga Soomaaliyeed
Md. Nuur Jenyo ayaa si xowli leh uga socdo xiligaan dhammaanba
Garoomada Ciyaaraha gobolka Banaadir waxaa mid ka mid ah
ciyaarahaasi oo ahayd K/Cagta ka dhacday Stadium Conis ee
Magaalada Muqdisho, iyadoo daawashada ciyaartaasina ay ka soo
qeyb galeen madaxda qeybaha kala duwan ee Isbootiga Soomaaliyeed
iyo midka xiriirada kala duwan ee Bahda Sportiga , sidoo kalena
waxaa ka soo qeyb galay madax ka socotay maamulka G/Banaadir,
marti sharaf iyo dadweyne aad u fara badan.
Tartankan oo dhex
maray labada kooxood ee lagu kala magacaabo Elman VS SITT, ayaa
labada kooxood waxa ay kusoo bandhigeen ciyaaro aad u xiiso
geliyay daawadayaashii ciyaartaasi, waxaana kaambiyadii hore ee
ciyaarta ay ku dhammaatay kooxda SITT oo iyadu ku hor martay
goolkii ugu horeeyay SITT 1-0 Elman oo diiday inay bareejeeyaan,
hase yeeshee kaambiyadii dambe ayaa ciyaarta waxay noqotay mid
xamaasadeedu aad u sarreyso.

Ciyaarta oo
socotay kaabiyada dambe daqiiqado dhowr ah kaddib kooxda Elman
waxay shabaqada kooxda SITT dhaafisay kubaddii, sidaasna ay ku
bareejeysay goolkii iyada looga hor maray markii hore, waxaana
kooxda Elman ay la soo baxday dardar ciyaareed aan hore loo arag,
taasoo u suurtagelisay in iyadoo xilliga ciyaarta ay ka dhiman
yihiin muddo 15-daqiiqadood ah ay mar labaad shabaqa kooxda SITT
dhaafsiiyeen markale Kubadda, sidaasna ay kaga badiyeen
kooxdaasi, iyadoo ciyaarta ku soo gabagaboday 2-1 oo guusha ay
ku raacday kooxda Elman.

Ciyaartaan oo
dhacday 11-07-08 ayaa Madaxdii ka socotay xiriirada Isboortiga
ee ka soo qeyb gashay ciyaartaasi oo ay ka mid ahaayeen
Guddoomiyaha Gudiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim
Gacal Abkow, Aadan Xaaji Yabarow Wiish Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga
Soomaaliyeed iyo K/Xigeenkiisa Mr.Ibraahim Xuseen Cali Roombe,
Guddoomiye K/Xigeenka Arimaha bulshada maamulka G/Banaadir
Maxamed Cismaan cali dhagax tuur iyo Xubno kaqle oo dhammaantood
aad ula riyaaqay qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen labada
kooxood, inkasta oo madaxda Xiriirada Isbooti ay sheegeen in
ciyaartooyda looga baahan yahay inay kordhiyaan Aalamiintada ay
qaataan, iyagoo macallimiinta labada kooxood ku booriyay inay
sare u qaadaan tayada ciyaartooyda kooxahooga.

Dhinaca kale waxaa
munaasabadda ciyaartaasi Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Md.
C/qaadir Gacal Abkow, Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Md. Wiish,
Guddoomiye K/Xigeenka Xiriirka K/Koleyga Md. Roombe, kuwaasoo
dhammaantood sheegay inay munaasabadani tahay mid qaali ku ah
shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Xiriirada Isboortiga dalka,
iyagoo si kooban uga hadlay taariikhda Md. Nuur Jenyo oo ay ku
sifeeyeen inuu ahaa halyeey Isboorti oo baal dahab ka galay
taariikhda shacabka Soomaaliyeed iyo midka Isboortigaba.
Xasiiska
Barnaamijyada deeyoo.com
Muqdisho-Soomaalia
Calidhuux86@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|