|
Ciyaaryahan
Manchester United oo markii ugu horeysey mudo 34 sano ah usoo
wareegay Arsenal iyo qubanayaal kale

Silvestre
21.08.2008, deeyoo.com
Kooxda Arsenal ayaa qiime aan la shaacin kula soo wareegtay
Mikael Silvestre oo 9kii sano ee ugu dambeysey u ciyaarayey
kooxda Manchester United.
Silvestre oo 31 jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano
ah iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar ah inuu u wareegi
doono kooxda Manchester City hase yeeshee uu ka door biday
Arsenal si uu u ciyaaro Champions League.
Silvestre waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee kasoo taga
Man.United una soo wareega Arsenal wixii ka dambeeyey Brian Kidd
sanadkii 1974kii.
Andriy Shevchenko ayaa ku jira xaalad jahawareer markii
kooxdiisa Chelsea diiday iney deyn ku siiyaan kooxdiisii hore ee
Milan. Milan ayaa weli si weyn u dooneysa gooldhaliye waxeyna ka
rajo qabaan in arinta Andriy Shevchenko ay dhowaan xal u helaan.
Chelsea ayaa shuruud kaga dhigtay Milan iney si joogto ah ula
wareegaan ciyaaryahankan ama ay ka tashadaan sidoo kale waxaa
lasoo warinaya in Chelsea ay dooneyso in Shevchenko sii heytaan
maadaama uu dhaawac dheer kaga maqanyahay gooldhaliyahooda weyn
Drogba.
Juventus ayaa ku dhow iney heshiis waqti kordhin ah la gasho
xidiga mustaqbalka wanaagsan ku leh kubada cagta Sebastian
Giovinco.
Giovinco oo ka mid ahaa xidigihii Talyaaniga ee wacdaraha ka
dhigay ciyaaraha Olombiga ayaa waxaa saf dheer u soo galay kooxo
badan oo ay ku jirto Arsenal si ay ula soo wareegaan hase
yeeshee Juventus ayaa hada u muuqata iney ciyaaryahankan si dhab
ah u ilaashadaan isla markaana mushaharkiisa oo ahaa sanadkii
500,000 oo euro la kordhiyo 2 sanana loogu daro waqtigii uu
dhici lahaa qandaraaskiisa oo hada lagaarsiiyey illaa 2013ka.
Macalinka Sunderland Roy Keane ayaa weli wado urursiga xidigo
caan ah wuxuuna ku guuleystay inuu kooxda keeno xidigii hore ee
Liverpool Gjibril Cisse oo 6 ku noqonaya xidigaha uu sanadkan
kooxda kusoo xoojiyey Keane isagoo hore ula soo wareegay Teemu
Tainio, Pascal Chimbonda, Steed Malbranque, El-Hadji Diouf iyo
David Healy.
Chelsea ayaa weli ka quusan sidii ay ula soo wareegi
lahaayeen xidiga reer Brazil Robinho oo sida ay saxaafada soo
warisay la diyaar ah lacag dhan 30 milyan oo Pound inkastoo Real
Madrid u muuqato iney sii heysanayaan maadaama ay ku hungoobeen
rabitaankooda C.Ronaldo.
Robinho ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Madrid
laakiin uu jeclaan lahaa inuu markale ka hoos ciyaaro
tababarihiisii hore ee qaranka Scolari oo hada macalin u ah
Chelsea.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|