Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   

QUBANAHA JIMCAHA.

Qubanayaal sport oo gaagaaban

 

08.08.2008, deeyoo.com

     Cristiano Ronaldo (CR) ayaa ugu danbeyntii ka dhawaajiyay damaciisa ah inuu lasii joogayo kooxdiisa United iyo weliba inuu mar uun ka ciyaaro Spain gaar ahaan Real madrid.

Laacibkan ayaa sheegay inuu go'aankan qaatay markii uu la qaatay Ferguson oo ah tababarihiisa fadhi uu ku sheegay inuu ahaa mid niyad sami ah qof walibana kaga hadlay waxa dhabta ah ee laabtiisa ku jira, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad celiyay kooxda Manchester iyo taageerayaashooda oo uu yiri waa kuwa isoo gaarsiiyay heerka aan maanta taaganahay, waxa uuna daba dhigay sababta ku kaliftay inuu ka tago kooxda oo uu ku tilmaamay inuu kooxda kula guuleystay wax waliba oo ay kooxi ku guuleysato, sida Horyaalka, FA, Champions League, isaga oo noqday gool dhaliyaha Horyaalka iyo weliba kan Champions League.

Laakiin hadalka Ronaldo ayaa laga dhadhansan karaa hamigiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid, ayna dhici karto sanadka soo socda, waaba hadii uu meesha sii joogo ninka sida aadka ah u raadinayo oo ah Calderon madaxa Real Madrid.

Chelsea ayaa gashay isku daygeedii ugu danbeeyay oo ay kula soo wareegeyso weeraryahanka khatarta ah Robinho oo u dheela Real madrid, beeca ay ku rabto ayaa cagcageynaya ku dhawaad 20 mill oo pound lacagta Ingiriiska.

Robinho ayaa aad uga careysan laba arimood oo mid ay tahay damacii kooxda oo ahaa isku badalka Ronaldo iyo Robinho iyo tan kale oo ah markii laacibkan loo diiday inuu dalkiisa u matalo ciyaaraha Olympicada ee hadda ka bilowday Shiinaha.

Arshavin oo aan ku wada xasuusano ciyaarihii Euro ee dhawaantan dhamaaday una ciyaarayay dalka Ruushka ayaa mudaagaraad ku bilaabay kooxdiisa Zenit, maadaama uu u arkay in ay is hortaageen dhowr koox oo soo codsaday iyaga oo dul dhigay lacag aad u fara badan oo ka wada cabsiisay kooxihii raadinayay laacibkan.

Kooxdii ugu danbeyasay ee laga codsaday lacag xad dhaaf ah waa Tottenham, sidoo kale waxaa jirta in Arsenal laga diiday 18 mill oo Pound, iyo weliba Barcelona oo laga diiday 14 mill, waxa uu aad uga careysanyahay ayaa ah kooxda oo kula balantay hadii ay kooxi la timaado 10 ilaa 12 mill in la beecin doono, laakiin maamulka Zenit ayaa u arkay beecaasi mid aad raqiis u ah, maadaama uu ciyaariyahanku wacdaro ka dhigay Yurub, qiimihiisuna uu sare u kacay sida batroolka oo kale.

Arsenal ayaa bilowday in ay xajisato inta u hartay xidigaheeda ayaga oo hada wada hadal la furay Van Persie, iyaga oo ka cabsanaya in ay ku dhacdo tii Flamini oo kale, maalmo ka hor ayey ahayd markii ay heshiis cusub la galeen Adepayor.

Milkiilaha Inter Massimo Moratti ayaa ka dhawaajiyay in ay kooxdiisu ka baxday suuqa, maadaama ay hadda haystaan koox ku filan isla markaana aad uga xumaaday go'aankii Lampart ee uu kooxdiisa Chelsea kula sii joogo, isaga oo sidoo kale ka hadlay arin ta Quaresmo oo uu si aad ah u raadinayay tababare Mourinho ayuu ku sheegay mid aan hadda macquul ahayn.

Dhanka kale Mourinho ayaa laga soo wariyay inuu xooga saarayo sidii uu u heli lahaa Quaresmo oo ay isku dal kasoo jeedaan, haddii ay dhacdo in loo diido lacag, waxa uu iska iibinayaa ugu yaraan laba ciyaartoy oo farta lagu fiiqay Crespo iyo Pele.

Manchester City ayaa laga soo sheegay in ay raadineyso Ronaldo R9 oo weli dhaawac dheer uga maqan kooxdiisa Milan.

Roma oo gorgortan ugu jirta weeraryahanka real madrid ee Julian Baptista, laakiin labada koox ayaa isku af garan la' qiimaha ciyaariyahanka.

Tababaraha Barcelona Guardiola ayaa ugu danbeyntii go'aansaday inuu sii haysto laacibka Cameroon Samuel Eto'oo.

Gudoomiyaha iyo tababaraha Milan, Galliani iyo Anceloti ayaa sheegay in ay dhantahay kooxdooda, isla markaana ka bexeen suuqa. Arintan ayaa taageerayaal badani ka xanaaqeen kadib markii ay daawadeen ciyaartii sida la yaabka leheyd loogu baashaalay kooxdooda oo ay Chelsea kaga adkaatay 5 gool iyo waxba, waxa ayna aad u dhaliilsanyihiin dhanka difaaca iyo gool hayaha.

 

 

M,deeq.

deeyoo2003@hotmail.com.

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore