|
Argentina oo
dhulka ku jiiday Brazil, Nigeria oo mar kale finaalaha ku
sugeysa

Messi iyo Ronaldinho
19.08.2008, deeyoo.com
Xulka Argentina ayaa si naxariis daro ah 3-0 ugu awood
sheegtay xulka ay deriska yihiin ee Brazil una soo gudbay
finaalaha tartanka Olombikada aduunka oo ay isku arki doonaan
dalka Nigeria oo kulankoodii maanta 4-1 kusoo doogay qaranka
Belgium.
Ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa dhaliyey labo kamid ah
goolasha Argentina halka goolka sedexaad oo rigoore ahaa uu
shabaqa ku hubsadey Juan Ramon Riquelme iyadoo 3da goolba ay
wada dhasheen qeybtii labaad ee ciyaarta.
Kulankaan oo ay qeybtiisii hore labada dalba ay dhufeys isugu
jireen ayaa bilowgii qeybtii labaad labo gool oo xiriir ah 5
daqiiqo guduhood looga dhaliyey Brazil oo tan iyo markii uu
tartankan bilowday aan wax gool ah laga dhalin iyadoo dhamaadkii
ciyaartana calaamada guduudan loo taagay ciyaaryahanada reer
brazil ee Lucas iyo Thiago Neves markii ay labadaba qalad ku
galeen xidiga Liverpool Javier Mascherano.
Kulamada dhexmara labadan dal ayaa ah mid aad u adag isla
markaana aad looga daawado aduunka intiisa kale iyadoo kulankaan
ahaa kii 94aad ee dhex mara labadooda, min 35 kulan ayey kala
badiyeen iyadoo 24ka kalena ay bareejo ku kala bexeen.
Argentina oo ah dalka difaacanaya koobkan ayaa hadii ay ka
badiyaan dalka Nigeria noqon doono dalkii 4aad ee labo jeer oo
isku xiga hantey bilada dahabka kubada cagta Olombiga iyadoo ay
uga horeeyeen dalalka Britain, Uruguay iyo Hungry.
Nigeria oo aad uga ciyaar wanaagsaneyd dalka Belgium ayaa
waxaa goolasha u kala dhaliyey Olubayo Adefemi, Edu oo labo gool
dhaliyey iyo Chibuzor Okonkwo oo goolkii 4aad dhaliyey halka
goolka keliya ee Belgium oo boloziyoon ahaa uu dhaliyey Laurent
Ciman labo daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta.
Kulanka finaalaha ayaa maalinta Sabtida ah dhex mari doono
labadan dal ee Argentina vs Nigeria taasoo dad badan soo
xusuusineysa finaalhii yaabka lahaa ee ciyaarihii Olombiga 1996
lagu qabtey Atalanta markaasoo qaranka Nigeria 3-2 ku dhuftay
dalka Argentina oo xidigihii u safnaa kulankaas ay ka mid
ahaayeen Ortega, Crespo, Almeyda, Simeone halka xidigihii ka
adkaadey ee Nigeria ay ka mid ahaayeen Okocha, Kanu, Amokachi,
Ikpeba, Babayaro.
Argentina oo sanadkaas loo saadaalinaayey iney ka adkaan
doonto Nigeria ayaan dhicin iyadoo mar kale ay aad u yaryihiin
dadka u maleynayo in Nigeria ka adkaan doonto Argentina ayaa la
arki doonaa bal in mar kale ay quusiyaan iyo in kale.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|