Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Michael Phelps Boqorka Olombikada aduunka

Michael Phelps

13.08.2008, deeyoo.com

Dabaalyahanka qatarta ah ee Mareykanka Michael Phelps ayaa wacdaro la yaableh ka dhigaya ciyaaraha Olombikada aduunka 2008 isagoo ilaa iyo hada 5 bilad oo dahab ah ku guuleystay isla markaana dhaafay iskoor ay hore u heysteen Larissa Latynina, Paavo Nurmi, Mark Spitz iyo  Carl Lewis oo min 9 biladood oo dahab ah hore ugu guuleystay.

 Michael Phelps oo 6 biladood oo dahab ah ku guuleystay ciyaarahii Olombikada aduunka ee 2004 ayaa sanadkan sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu noqdo qofkii ugu horeeyey ee 8 biladood oo dahab ah ku guuleysta hal tartan gudihiis uuna jabiyo iskoorkii u yaalay dabaalyahankii weynaa Mark Spitz oo 7 biladood oo dahab ah ku guuleystay ciyaarihii Olombiga 1972 ee lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Phelps 5da biladood ee uu ku guuleystay ka sokow wuxuu bulshada isboortiga aduunka kaga yaabsadey isagoo 5ta marba jebiyey iskoorkii u yaalay tartamada dabaasha ee 200m free, 200m fly,  400m IM, 4x100m free relay (qoryo isku dhiibka), 4x200m free relay (qoryo isku dhiibka), waxaana loo saadaalinayaa inuu weli ku guuleysan karo tartamada dabaasha ee 4x100m medley ee qoryo isku dhiibka  100m fly,200m IM taasoo hadii ay dhacdo uu guud ahaan la hoyan doono 8 biladood oo dahab ah 5 keli ah iyo 3 qoryo isku dhiibka oo ay saaxiibadiis la wadaagayaan.

Phelps wuxuu markii ugu horeysay ka qeyb galay ciyaaraha Olombikada aduunka sanadkii 2000 ee lagu qabtay Australia hase yeeshee uu bilad la`aan kala soo laabtay isagoo waqtigaas 15 jir ahaa hase yeeshee 4 sano ka dib ayuu mar kale ka qeyb galay idsagoo noqdey boqorkii ciyaaraha Olombikada aduunka ee 2004 lagu qabtay Giriiga markii uu ku guuleystay 6 biladood oo dahab ah iyo weliba labo maar ah.

Phelps oo hada 23 jir ah ayaa loo maleynayaa iney adkaan doonto si loo jabiyo iskoorkiisa dhanka biladaha dahabka ah ee Olombiga maadaama uu weli ugu yaraan 2 tartan amaba 3 kale ka qeyb geli karo.

Mark Spitz oo isna Mareykan ah ayaa mar uu ka hadlayey Phelps sheegay inuu isaga waqtigiisii soo xusuusanayo markuu arkay Phelps hase yeeshee dhanka kale sheegay inuu isagaba 8 ku guuleysan lahaa hase yeeshee tartanka 8aad yahay mid cusub oo aan xiligiisa jirin.

- Waa jeclaan lahaa inaan goob joog ahaado marka la jabinayo iskoorkeyga mudada dheer hase yeeshee ma jirto wax casuumaad ah oo ay ii fidiyeen gudiga IOC ama kan dabaasha mana ihi nin isaga tagaayo iska tag sidaa darteed goobjoog kama noqonayo ayuu yiri Mark Spitz oo hada ku sugan Hong Kong.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore