Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Orodyahanada Soomaaliyeed ee ka qeyb gelaayo tartanka Olombikada aduunka iyo xiliyada ay odayaan
Abdinasir iyo Samiyo Yusuf

11.08.2008, deeyoo.com

Orodyahanada sanadkaan u matalaya dalkeena Soomaaliya tartanka Olombikada aduunka ayaa kala ah  Cabdi Nasir Saciid iyo Samiyo Yuusuf.

Cabdi Nasir wuxuu ka qeyb gelayaa orodada dhaadheer ee 5000 iyo 10ka kun isagoo tartankiisa ugu horeeya oo noqonaya 5000 mitir dhici doono 20ka bishan hadii uu kasoo gudbo iskala reebka wuxuu ka qeyb geli doonaa finaalaha oo dhici doono 23ka bishan.

Cabdi Nasir wuxuu ka qeyb gelayaa orodada dhaadheer ee 5000 iyo 10ka kun isagoo tartankiisa ugu horeeya oo noqonaya 5000 mitir dhici doono 20ka bishan hadii uu kasoo gudbo iskala reebka wuxuu ka qeyb geli doonaa finaalaha oo dhici doono 23ka bishan.
Samiyo oo ku ordeysa Adis Ababa

Orodka dheer ee 10ka kun ayuu Cabdi Nasir safan doonaa waxaana lagu wadaa inuu qabsoomo maalinta ugu dambeysa ee lasoo gabagabeynayo tartankaan oo ku aadan 24ka bishan hadii Alle idmo.

Samiyo oo ah gabar aad u da`yar ayaa ka qeyb geli doonta orodada dhexe ee 400 iyo 800 waxeyna marka ugu horeysa garoomada ka dhex muuqan doontaa maalinta Jimcaha ee 14ka bishan oo la qaban doono wareega 1aad ee 800 mitir hadii ay soo dhaafto waxaa maalinta ku xigta ee sabtida ah u noqoneysaa maalin aad u mashquulsan maadaama ay kawada qeyb galeyso wareega 1aad ee 400 mitir iyo semifinaalaha 800 mitir oo maalintaas wada dhici doono.

Hadii ay Samiyo usoo gudubto semifinaalaha 400 mitir iyo finaalaha 800 mitir waxey maalinta Axada ah ka qeyb galeysaa semifinaalaha 400 mitir iyadoo maalinta Isniinta ahna safan doonto finaalaha 800.

Maalinta ugu dambeysa ee ay ordeyso Samiyo waxey noqoneysaa Talaadada hadii ay soo gaarto finaalaha 400 mitir waxaana u rajeyneynaa guul inkastoo rajada laga qabo iney kaalimo wanaagsan kasoo galaan tartankaas ay aad u yartahay.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore