Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Ciyaarihii Olombikada aduunka oo lasoo gabagabeeyey iyo dhacdooyinkii xusuusta reebay

25.08.2008, deeyoo.com

Ciyaarihii Olombikada aduunka oo si wanaagsan ugu socday magaalada Bikiin ee dalka Shiinaha ayaa lasoo gababaeeyey iyadoo lagu tilmaamay mid ka mid ah tartamadii ugu wanaagsanaa ee abid la qabto.

Tartankaan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan dalalka xubinta ka ah ururka Olombikada aduunka (IOC) marka laga reebo dalka Brunei oo sida uu sheegay Wasiirkooda Isboortiga ay u diyaargaroobeen ka qeyb galka tartankaan hase yeeshee uu dhaawac soo gaaray orodyahankii u matali lahaa wax yar ka hor bilowgii tatankan.

Olombikada aduunka 2008 waxaa kasoo qeyb galay 10500  tartamayaal oo ka kala socday 204 ka mid ah xubnaha IOC iyadoo dalalka Shiinaha (639 tartame) iyo Mareykanka (596 tartame)ahaayeen dalalka ugu badan ee ciyaaryahano usoo dirsada tartankan.

Dalkeena Soomaaliya waxaa u matalayey 2 orodyahan oo kala ahaa Samiyo Yusuf iyo Abdinasir halka dhowr dal oo kalena ay soo dirsadeen hal ciyaaryahan oo keliya.

Waxaa sidoo kale jiray orodyaho Soomaaliyeed oo tartankan u matalayey dalalka ay ku nool yihiin sida Mohamed Farah oo Ingiriiska ka socday, Mustafe oo Swedan ka socday iyo  Abdi Abdirahman Abdihakim oo isna Mareykanka u matalayey inkastoo dhamaantood aysan wax guul la taaban karo ka gaarin tartankan inkastoo guusha ugu weyn ee Shakhsi Soomaali ah ciyaarahan ka gaaro uu ahaa Jaamac Karaaciin uu macalin u ahaa orodyahanadii dalka Sudan oo bilad qalin ah kala soo laabatey Shiinaha markii uu kaalinta 2aad galay orodyahan Ismail Ahmed Ismail oo ordayey 800 mitir.

Ciyaarihii lagu tartamaayey oo guud ahaan ka koobnaa 31 tartan ciyaareed oo kala duwan oo kiiba dhowr firqo lahaa ayaa guud ahaan waxaa la bixiyey 302 biladood oo dahab ah.

Dalka Shiinaha oo marti gelinaayey ayaa noqdey dalka ugu biladaha badan iyagoo 51 biladood oo dahab ah urursadey halka dalka Mareykanka oo kusoo xigay ay heleen 36 biladood oo dahab ah hase yeeshee marka lagu daro biladihii qalinka iyo maarta waxey Mareykanka heleen 110 halka dalka Shiinaha uu helay 100 biladood.

87 dal oo ka mid ah dalalkii kasoo qeyb galay tartankan ayaa ugu yaraan hal bilad kala noqday taasoo ah iskoor cusub iyadoo dalalka Togo, Afganistan markoodii ugu horeysey taariikhdooda ay bilado dalkooda kula laabteen iyagoo bilado maar ah helay, dalalka sida aadka ah sanadkan u faraxsanaa waxaa ka mid ah dalka India oo markii ugu horeysey taariikhdooda ku guuleystey bilad dahab ah.

Laakiin marka laga sheekeynayo Olombikada sanadkaan waxaa marna xusuusta dadkii daawanayey ama la socdey aysan ka go\ i doonin orodyahanka reer Jameyka Usein Bolt oo ku guuleystey iskoor cusubna u dhigay 100 iyo 200 mitir noqdey orodyahankii ugu horeeyey ee labadan tartan kuwada guuleysto hal tartan tan iyo sanadkii 1984kii ciyaarihii Olombiga ee lagu qabtey Los Angels oo uu Carl Lewis kuwada guuleystey inkastoo uusan iskoorkii orodadaas jabin.

Usein Bolt oo sidoo kale bilada dahabka ee qoryo isku dhiibka 100 mitir ku guuleystay ayaa si aad ah loogu xusuusan doonaa iskoorkiisa cusub ee 200 oo tartankaan ka hor u yaalay orodyahanka weyn MIchael Johnson oo ku orday 19.32 tartankii Olombikada aduunka ee 1996kii lagu qabtay magaalada Atlanta ooay  dad badan rumeysnaayeen in sanadaha soo socdo aan loo dhowaan karin in la jabiyo iskaba daaye ayuu Usian Bolt ku orday 19.30 taasoo aduunka oo dhan ka fajicisay.

Sidoo kale waxaa tartankaan lagu xusuusan doonaan dabaalyahanka weyn Michael Phelps oo Mareykanka u dhashay oo isna taariikh u dhaigay ciyaaraha Olombiga markii uu noqdey shakhsiga ugu biladaha badan isagoo tartankaan oo keliya ku guuleystay 8 biladood oo dahab ah guud ahaan biladaha dahabka oo uu heystana ay gaaranyaan 14 halka dadka kusoo xigana ay heystaan 9 biladood oo dahab ah wuxuuna weli fursad u sii heystaa inuu qaar kale ku guuleysto 4 sano ka dib maadaama uu 23 jir yahay.

Ugu dambeyntii waxaa la bakhtiiyey dabkii Olombikada aduunka ee sanadkan iyadoo 4 sano ka dib hadii Alle idmo lagu qaban doono Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore