Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Dalalka Afrika u matalayey ciyaaraha Olombiga ee kubada cagta oo querter finaalaha soo wada gaaray, Brazil iyo Argentina oo kulamadoodii soo wada badiyey

Kalou

13.08.2008, deeyoo.com

Dalalka Nigeria, Cameroon iyo Ivory Coast oo qaaradeena Afrika u matalayey ciyaarta kubada cagta ee Olombikada aduunka ayaa soo wada gaaray querter finalka iyadoo ugu yaraan hal dal oo Afrikaan ah lagu arki doono semifinaalaha maadaama ay isku soo addeen dalalka Nigeria vs Ivory Coast.

Nigteria waxey 2-1 uga adkaatey kulankii maanta dalka Mareykanka ciyaar aad u adkeyd oo daqiiqadii 3aad ee qeybtii hore guduud lasiiyey garoonkana laga saarey ciyaaryahan Michael Orozco oo Mareykan ah markii uu xusuleeyey Solomon Okoronkwo.

Labada gool ee Nigeria waxaa kala dhaliyey Promise Isaac og Victor Obinna. Cameroon waxey goolal la`aan ku kala bexeen dalka Talyaaniga oo hore usoo baxay isla markaana nasiyey ciyaaryahano muhiim ah halka dalka Ivory Coast ay 1-0 ku dhufteen dalka Australia.

Dalalka Brazil iyo Argentina oo ah dalka difaacanaya koobkan ayaa weli wacdaro ka dhigaya tartankaan iyagoo wareega 8da dal soo gaaray iyagoon marna laga badin.

Dalka Brazil oo aan weligiis ku guuleysan tartankaan ayaa sanadkan dadaal weyn ugu jiro inuu soo galaan liiska dalalka kubada cagta ee loo caleema saaray bilada dahabka  hase yeeshee markaana uma muuqato mid sahlan maxaa yeelay hadii ay soo dhaafaan dalka Cameroon oo ay isku soo aadeen waxaa sugaya dalka Argentina oo ay hada isku soo aadeen dalka Holland laakiin loo maleynayo iney kasoo adkaan doonaan.

Argentina waxey maanta 2-0 ku garaaceen Serbia iyadoo ay nasiyeen ciyaaryahanadooda muhiimka ah sida Messi, Agüero iyo Riquelme ayaa dhamaadkii ciyaarta dadweynihii daawanayey ku oriyeen dalka Argentina iyagoo ka xumaa in Messi la nasiyo, Brazil waxey 3-0 ugu awood sheegteen dalkii martida loo ahaa ee Shiinaha.

Isku aadka wareega 8da dal:

Talyaaniga vs Belgium, Nigeria vs Ivory Coast. oo labadii dal ee soo adkaada semifinaalaha wada ciyaari doonaan.
Brazil vs Cameroon, Argentina vs Holland oo labadii dal ee soo badiya semifinalka isku arki doono iyadoo kulamadn la ciyaaro doono maalinta Sabtida ah ee 16ka bishan hadii Alle idmo.
 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore