|
Tartanka
Olympic Games 08 oo si rasmi ah u furmay, iyo Soomaaliya oo ugu
yaraan geysatay dad matala

09.08.2008, deeyoo.com
Waxaa si rasmi ah ugu furmay magaalada Beijing ee dalka
Shiinaha ciyaarihii 29aad ee Olympic Games oo sida lasoo wariyey
ahaa kii ugu quruxda badnaa taariikhda tartankan.
Madaxweynaha dalka Shiinaha Hu Jintao ayaa kaga dhawaaqay
xafladii furitaanka in uu furunyahay tartanka Olympic Games 2008
garoonka weyn ee BUUL SHIMBIR STADION iyadoo ay goobjoog
ahaayeen in kabadan 90 kun oo qof oo ay ku jiraan
Madaxweynayaal, Ra`iisul wasaarayaal, Boqoro iyo dad kale oo
magac ku leh aduunka.
Dalka Shiinaha oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ka
go`doonsan reer galbeedka ayaa muujisey iney tahay dowlad weyn
ee dalkeeda kusoo dhoweyn karta aduunweynaha oo idil iyagoo ku
qarash gareeyey in kabadan 20 bilyan oo dollar.
Dalka Shiinaha oo lambarka 8aad u ah mid qiime gooni ah ugu
fadhiya una yaqaanaan mid barakeysan ayaa nasiibkooda wuxuu
tartankan qiimaha leh furitaankiisa kusoo aaday 08:08, 8da bisha
8aad 2008.
Li Ning oo ah nin si weyn looga xushmeeyo dalka Shiinaha
horena ugu soo hoyey 3 bilad oo dahab ah ciyaarihii Olympikada
84kii lagu qabtay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa
shiday dabkii Olympic Games 2008.
Guud ahaan ciyaaryahanada ku tartamaayo tartankan ayaa
gaaraya 11 kun iyadoo 639 ka mid ah ay ka socdaan dalka marti
gelinaayo ee Shiinaha.
Dalkeena Soomaaliya waxaa noo matalaya ciyaarahan Abdinasir
Saiid oo ah orda 5000 iyo 10000 mitir iyo gabadha 17 jirka ah
Samiyo Yusuf oo oroda 400 iyo 800 mitir oo aan u rajeyneyno iney
guulo kasoo hoyaan.
Tartankaan oo qeybo kala duwan leh waxaa ka mid ah kubada
cagta oo ay sanadkaan ku tartamayaan 16 dal oo 4 gurub loo
qeybiyey iyadoo xidigaha ka dhex muuqda ay ka mid yihiin
Ronaldinho iyo Pato iyo Andersen oo Brazil, Messi oo Barcelona
iyo Argentina, Requelme oo Argentina ah, Roy Makaay iyo Babel oo
Holland ah.
Dalalka kubada cagta ee Yurub oo wixii ka horeeyey 1996kii
inta badan ku guuleysan jiray bilada dahabka ah ayaa sanadihii
ugu dambeeyey waxaa kala wareegay Afrika iyo Laatiin America
iyadoo sanadkaana loo saadaalinaayo dalka Argentina oo
difaacanaya bilada dahabka ah iyo Brazil oo aan hore ugu
guuleysan tartankaan.
Dalka Hungrry ayaa ah dalka ugu badan ee qaata bilada dahabka
ah iyagoo 3 jeer hore ugu guuleystay, dalalka Yurub ayaa 16 ka
mid ah 21kii jeer ee hore loo soo qabtey tartankaan ku guleystay
dalka Spain ayaana ahaa dalkii reer Yurub ee qaada koobka kubada
cagta Olympic Games 1992kii markaasoo dalkooda lagu qabtay.
Afarta guruub ee loo qeybiyey 16ka
dal ee sanadkaan ka qeyb gelaayo ayaa ah sidan hoos ku qoran:
Group A: Cote D'Ivoire , Argentina, Australia, Serbia.
Group B: Netherlands, Nigeria, Japan, USA.
Group C: China, New Zealand, Brazil, Belgium.
Group D: Republic of Korea, Cameroon, Honduras, Italy l
Inkastoo si rasmi ah maanta loo furay tartankaan ayaa waxaa
hore loo sii ciyaaray kulano ka mid ah kubada cagta iyadoo
dalalka Brazil, Argentina iyo Talyaaniga oo ah wadamada looga
baqayo iney hantaan bilada dahabka ah ayaa guulo ku furay isla
markaana la wareegay hogaanka guruubada ay ku kala jiraan.
Kulamadii la ciyaaray waxey u
dheceen sidan:
Cote D'Ivoire 1-2 Argentina, Australia 1-1 Serbia
Netherlands 0-0 Nigeria, Japan 0-1 USA
China 1-1 New Zealand, Brazil 1-0 Belgium
Republic of Korea 1-1 Cameroon, Honduras 0-3 Italy







Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|