|
Ingiriiska
oo dirqi kaga baxsadey Jam.Czech iyo kulamadii kale ee
saaxiibtinimo

Lugta goolhaye Stijn Stijnens oo feeraha jebisay
Podolskis
21.08.2008, deeyoo.com
Waxaa shalayto ka dhacay garoomada kala duwan ee qaarada
Yurub kulamo saaxiibtinimo oo ay wadamadaas isugu diyaarinayaan
kulamada isreeb reebka koobka aduunka 2010 lagu qaban doono
qaarada Afrika.
Magaalada London xulka Ingiriiska waxaa marti u ahaa xulka
kubada cagta Jamhuriyada Czech oo ay bareejo 2-2 ku kala bexeen
taasoo sababtaey in dhamaadkii ciyaarta taageerayaashii
Inghiriiska ku oriyaan ciyaaryahanadooda iyagoo ka xumaa
natiijada iyo qaabciyaareedkii xulkooda qaranka.
Xulka Jamhuriyada Czech ayaa labo goor hogaanka qabtay iyadoo
xulka Ingiriiskana ay labada marba bareejeeyeen, Milan Barros
ayaa Czech goolka hore u dhaliyey halka West Brown uu goolkii
bareejada u dhaliyey Ingiriiska daqiiqadii ugu dambeysey ee
qeybtii hore, laacibka AC Milan Marek Jankulovski ayaa goolkii
2aad oo boloziyoon aad u qurux badan ahaa u dhaliyey Czech
waxaase mar kale daqiiqadii ugu dambeysey ee ciyaarta
bareejeeyey Joe Cole gabagabadii ciyaartana ka dhigay 2-2.
Xulka heysta horyaalnimada qaarada Yurub ee Spain ayaa 3-0
kusoo dhuftay qaranka Danmark kulan ka dhacay magaalada
Kopenhagen iyadoo goolasha Spain ay kala dhaliyeen Xabi Alonso
(2 gool) iyo Xavi Hernandez.
Goolal ay kala dhaliyeen Bastian Schweinsteiger (rig. 59),
iyo Marko Marin (77) ayaa xulka Jarmalka u suura geliyey iney
2-0 ugu awood sheegtaan dalka Belgium hase yeeshee kulankaan
waxaa aad loogu xusuustaa taako aad halis u aheyd oo uu boortaha
Belgium Stijn Stijnens feeraha ka geliyey gooldhaliyaha Bayern
Munich Lukas Podolskis taasoo raajito la saaray lagu sheegay
inuu jab soo gaaray waxaase kasii yaab badneyd in garsoorihii
ciyaarta uusan wax qalad ah ka dhigin boortaha falkan ka dhacay
banaanka xerada ganaaxa.
Fransiiska wuxuu 3-2 kaga soo badiyey dalka Swedan iyadoo ay
goolasha u kala dhaliyeen Benzema iyo Govou oo labo gool
dhaliyey halka goolasha Swedan ay kala dhaliyeen ruugcadaagooda
weyn Henrik Larsson iyo Källström, Talyaaniga waxey bareejo 2-2
ku kala bexeen dalka Austria iyadoo xulka Holland ay iyagana
bareejo 1-1 ah isla dhaafi waayeen xulka Ruushka.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|