|
Lampard oo qandaraas dheer la galay kooxdiisa Chelsea

Lampard iyo macalinkiisa hore Mourinho
14.08.2008, deeyoo.com
Waxaa soo dhamaadey madmadowgii ku jiray mustaqbalka Frank
Lampard ee kooxda Chelsea markii uu saxiixay qandaraas dheer oo
5 sano ah taasoo meesha ka saartey rajadii uu tababaraha Inter
Jose Mourinho ka qabay in Lampard sanadkan ama kan xiga usoo
wareegi doono Inter.
Lampard oo qandaraaskiisii hore ku ekaa dhamaadka xili
ciyaareedka hada bilaabanaya ayaa mudo dheer oo gorgortan iyo
wadahadal ah ka dib waxey labada dhinac shaaciyeen iney heshiis
gaareen isla markaana uu Lampard kooxda lasii joogi doono illaa
2014ka taasoo farxad weyn u ah taageerayaasha Chelsea.
- Waxaan jeclahay inaan mustaqbalkeyga ciyaaryahanimo ku
dhameysto Chelasea, dhowr jeer oo horena waa ku celceliyey.
Heshiiskan aan hada saxiixay ka dibna aad baan ugu faraxsanahay
iney sidaas noqoto ayuu yiri Lampard sida lagu qoray
boga nett-ka ee Chelsea.
Qandaraaskan cusub ayey labada dhinac ka gaabsadeen iney
shaaciyaan lacagta uu mushahar ahaan u qaadanayo Lampard hase
yeeshee waxaa jiray warar hore oo sheegayey in Chelsea u balan
qaaday inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka
Ingriiska lana siin doono 140 kun oo Pound todobaadkii hadii uu
saxiixo heshiiskan cusub sida ay hore u qortey
Daily Telegraph.
Frank Lampard oo hada 30 jirsadey wuxuu kooxda kusoo biiray
2001 isagoo dhaliyey 110 gool 369 kulan oo uu u saftey kooxda
Chelsea
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|