|
Robinho oo
sheegay in niyadiisa jirto Chelsea

Robinho
31.08..08, deeyoo.com
Weeraryahanka Real Madrid Robinho ayaa maanta si cad u
sheegay in niyadiisu jirto magaalada London iyo kooxda Chelsea
uuna jecelyahay inuu ka tago Real Madrid inkastoo hogaanka sare
ee kooxda ku adkeysanayaan inuu lasii joogi doono.
- Waan u sheegay Gudoomiyaha
(Ramon Calderon), iyo tababaraha (Bernd Schuster) in
niyadeydu jirto Chelsea halkaasna ay tahay meesha aan jeclahay
inaan ka ciyaaro ayuu yiri Robinho oo maanta Shir Jaraa`id ku
qabtay magaalada Madrid.
Robinho ayaa ku eedeeyey
kooxdiisa iney qiime dileen isagoo ku canaantay sida ay u
maareeyeen wadahadaladii u dhexeeyey ninka wakiilka u ah Robinho
iyo madaxda Real Madrid labo bilood ka hor oo ay ugu wada
hadlayeen qaabka ay meel iskula dhigi karaan heshiis waqtiga
loogu kordhinaayo Robinho oo ay kooxda ka meermeertay.
Real Madrid waqtigaas waxey
aad ugu mashquulsanaayeen iney helaan saxiixa xidiga Man.United
C.Ronaldo iyo markii dambeDavid Villa hase yeeshee labadaba ay
usuura geli weysey taasoo ku qasabtay iney ilaashadaan Robinho.
- Kooxda waxey i tuseen
ineysan dan iyo heelo ka laheyn inaan lasii joogo hada waxa
keliya ee aan doonayo waa inaan u wareego Chelsea ayuu Robinho
ku yiri Shirkiisa Jaraa`id ee uu maanta qabtay.
Waxey u egtahay in Robinho
uu lasii joogi doono Real Madrid maadaama caawa saqda dhexe uu
xirmayo suuqa kala gadashada ciyaartoyda iyadoo macalinka Real
Bernd Schuster uusan kusoo derin liiska ciyaaryahanadiisa
labadii kulan ee ugu dambeeyey iyo weliba kan caawa ay la
yeelanayaan kooxda Deportivo oo ah kulankoodii 1aad ee horyaalka
Spain.
Robinho waa 24 jir wuxuuna
Real Madrid kusoo biiray sanadkii 2005 isagoo kooxda la qeyb
sadey labo horyaalka Spain.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|