|
Arsenal oo ku
barbaratey Newcastle iyo natiijada kulamadii la ciyaaray

Van Persie
31.08.08
Arsenal waxey si la yaab leh 3-0 uga badiyeen kooxda
Newcastle kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska iyagoo hada u
muuqda iney qeyb ka yihiin loolanka horyaalka Ingiriiska ka dib
bilow caajis ah oo ay 1 gool dhaliyeen labadii ciyaar ee hore.
Labo daqiiqo uun markii ay ciyaarta socotay ayaa xerada
ganaaxa ee Newcastle gudeheeda lagu jilaafay Van Persie iyadoo
taageerayaasha Arsenal fadhiga kawada keceen oo ay moodeen
rigoore hase yeeshee garsoore Rob Styles ayaa iska diiday
laakiin rubi saac ka dib ayuu rigoore u dhigay Arsenal markii ay
kubad karoos aheyd kusii dhacday gacanta Charles N'Zogbia oo ku
jiray gudaha xerada ganaaxa ee kooxdiisa Newcastle taasoo si
degin Van Persie u daba mariyey goolhaye Given.
Van Persie ayaa goolkii labaad mar kale dhaliyey isagoo
dhameystiray weerar aad u qurux badnaa oo ay soo qaadeen Arsenal
ugu dambeyntiina uu cirib ugu soo baasay Eboue.
Arsenal ayaa sii waday baasas gaagaaban oo degdeg ah isku
dhexyaacna ku riday xidigihii Newcastle oo u maara waayey
weerarada kaga imaanaayey Arsenal taasoo ugu dambeyntiina ka
dhigtay in Denilson kooxdiisa u dhaliyo goolkii 3aad ee
ciyaarta.
Michael Owen ayaa kubad uu teesteeyey ku dhuftey birta goosha
Arsenal taasoo aheyd fursada ugu qweyn oo ay heleen Newcastle
natiijadii ciyaartana ugu dambeyntii noqotay 3-0 oo ay Arsenal
ku badiyeen.
Natiijada kulamadii kale ee la ciyaaray:
Bolton - West Bromwich 0-0
Everton - Portsmouth 0-3
0-1 Defoe (12), 0-2 Johnson (40), 0-3 Defoe (69).
Hull - Wigan 0-5
0-1 Ricketts (iska dhaliyey 5), 0-2 Valencia (13), 0-3
Zaki (63), 0-4 Heskey (68), 0-5 Zaki (81).
Middlesbrough - Stoke 2-1
1-0 Alves (37), 1-1 Hoyte (iska dhaliyey 71), 2-1 Sanli
(85).
West Ham - Blackburn 4-1
1-0 Davenport (12), 2-0 Samba (iska dhaliyey 20), 2-1
Roberts (22), 3-1 Bellamy (90), 4-1 Cole (90).
Kulamada Maanta
31.08.08 Chelsea vs Tottenham, Sunderland vs Manchester City
Aston Villa vs Liverpool
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|