|
Chelsea iyo
Liverpool oo aan badin, Torres oo dhaawac daran soo gaaray

Torres iyo macalinkiisa Benitez
31.08.08, deeyoo.com
Liverpool iyo Chelsea oo kulamadii ay maanta yeesheen ka hor
ahaa kooxaha keliya ee wada badiyey kulamadii ay wada ciyaareen
ayaa maanta ku guuldareystay iney sii wadaan guulahaas iyagoo
bareejo 0-0 iyo 1-1 sida ay ukala horeeyaan la kala
galay kooxaha Aston Villa iyo Tottenham.
Liverpool ayaa heysatey fursad ay keli ku noqoto hogaanka
horyaalka bacdamaa Chelsea oo ka hor ciyaartey bareejo gashay
laakiin kama faa`iideysanin waxaase uga sii darnaa markii
garoonka bareelle looga qaaday gooldhaliyahooda weyn Fernando
Torres markii ay ciyaarta socotay nus saac iyadoo horena uu ugu
maqnaa mishiinkooda qadka dhexe Gerrard oo dhowaan qaliin galay
ugu yaraana labo todobaad aan garoomada lagu arki doonin.
Lama oga sida uu qatar u yahay dhaawaca soo gaaray Torres iyo
inta uu ka maqnaan doono garoomada wuxuuse u ekaa mid halis ah
iyadoo guud ahaan ciyaartana ay aheyd mid caajis ah oo ay
fursadaha ku yaraayeen inkastoo garsoorihii ciyaarta uu rigoore
ka diiday Liverpool markii boortaha Aston Villa uu gudaha xerada
ganaaxa ku jilaafay weeraryahanka cusub ee Liverpool Keane.
Chelsea oo labadii kulan oo ay hore usoo ciyaareen soo
badisay ayaa waxaa usoo martisey Tottenham oo labadii kulan ee
hore laga soo wada badiyey iyadoo kulankii maanta Tottenham
heshay dhibicdii ugu horeysey ee horyaalka.
Chelsea waxaa goolka u dhaliyey Belletti iyadoo goolka
Tottenham uu dhaliyey Darren Bent oo ka faa`iideystay qalad uu
sameeyey Lampard.
Tottenham oo sanad kasta qarash gareysa lacago farabadan ayaa
hadana iska qaadi la`heeryada kooxaha waa weyn (BIG FOUR) ee
Man.UNited, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool iyagoo 65kii kulan ee
ugu dambeeyey ee ay afartan koox la yeeshaan 2 ka mid ah uun
badiyey.
Chelsea ayaa dhankeeda weli sii kordhineysa iskoorka kooxda
ugu badan kulamada isku xiga ee aan garoonkooda looga badinin
iyagoo hada maraya kulankii84aad oo xiriir ah.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|