| Kooxda Zenit ee dalka Ruushka ayaa 2-1
kaga naxsatey kooxda weyn ee Man.United finaalha kulanka
finaalaha Super Cup ee ay sanad kasta isaga horyimaadaan
kooxaha ku kala adkaada Champions League iyo koobka
UEFA. Man.United oo aheyd kooxda loo saadaalinaayey
iney koobkan la hoyan doonto ayaa markii ay ciyaarta
bilaabateyba waxaa firfircooni lasoo galay kooxda Zenit
una sura gashay iney hogaanka qabtaan daqiiqad ka hor
dhamaadki qeybtii hore ee ciyaarta waxaana u dhaliyey
xidigooda Pavel Pogrebnyak.
Qeybtii dambe ayaa mar kale u suura gashay in Zenit
dhaliso goolkii 2aad waxaana u saxiixay Danny ka hor
intii uusan Nemaja Vidic kooxdiisa United u dhalin gool
rubi saac ka hor dhamaadkii ciyarta.
Xidiga weyn ee Man. United Paul Scholes ayaa daqiiqad
ka hor dhamaadkii ciyaarta loo taagay calaamada guduudan
markii uu isku dayey inuu garsooraha qiyaameyo isogoo
dhaliyey gool u ek kii Maradona gacanta ugu dhaliyey
Ingiriiska ciyaarihii aduunka ee 1986 taasoo garsoore
Claus Bo Larsen uu ku fahmay garoonkana ka saaray.
Guushan ay kooxda Zenit kala soo hoyatay garoonka
Monaco ayaa fariin cad u direysa kooxaha Real Madrid iyo
Juventus oo ay isku guruub ku wada jiraan Champions
League sanadkan iyagoo tusay koob muhiim ah iney ka
badin karaan koox weyn welibana ay ka ciyaar
wanaagsanayeen.
Man.United ayaa u muuqata iney aad ugu dhutinayaan
xidigooda weyn C.Ronaldo oo dhaawac dheer kaga maqan
iyagoo 3dii kulan oo ay sanadkan ciyaareen badiyey hal
kulan oo ka mid ah lana dareemayo in dhanka dhameystirka
ay aad uga liitaan.
Midig ka akhriso sidii ay kooxaha ugu kala
guuleysteen koobkan tan iyo markii la bilaabay sanadkii
1973kii
|