Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 


Isku aadka Champions league.

Chelsea oo ku dhawaatay in ay wada noqoto kooxdii sanadka.

 

28.08.2008, deeyoo.com

Waxaa la sameeyay qorituurka ama isku aadka koobka ama tartanka ugu caansan dunida oo ay kooxo ku tartamaan ee Champions league.

Xafladii qorituurka ayaa sidoo kale lagu magacaabay kooxdii sanadka oo loo kala qeybiyay 4 abaal marinood oo kala ah, goolhaye, difaac, dhexda iyo weerarka, waxaana si la yaab leh ugu guuleystay Chelsea oo heshay 3 kamid ah afartii abaal marin oo ay ka heleen goolhaye Cech, kaptan Terry oo difaac qaaday iyo ninka darbada kulul Frank Lampart oo qadka dhexe la siiyay, waxaa weerarka si aan shaki ku jirin la isugu raacay C Ronaldo oo wacdarihii uu dhigay dad badan ka yaabiyay.

Peter Cech oo Chelsea ah ayaa noqday goolhayihii tartanka

John Terry oo Chelsea ah ayaa noqday difaacii tartanka Frank Lampart ayaa noqday xidiga qadka dhexe Cristiano Ronaldo ayaa loo doortay weeraryahankii tartanka

 

Sanadkan waxaa jira kooxo lala yaabay heerka ay soo gaareen sida Cluj oo Romania ah lana ciyaari doonta Chelsea, kooxda kale ee lala yaabay ayaa ah Bate Borisov oo Belarusia ah waxa ay la kulmi doonaan Real Madrid, waxaa intaas kaba sii daran koox la magac baxday Anorthosis Famagusta oo Cyprus ama sida Soomalidu u taqaan Qubrus ka socota waxa ay la ciyaari doonaan Inter Milan. Sidoo kale kooxda ka yaabisay kooxihii Danmar ee Aalborg ayaa la ciyaareysa Manchester Utd.

Run ahaantii kooxahan aan horey loo maqal ee sanadkan yimid waa dadaaleen laakiin axsaan looma sameyn markii qoorta loo kala geliyay 4ta koox ee la dhihi karo waa ku guuleysanayaan tartanka hadda la isku aadiyay kooxihiisa.

Halkan hoose ka akhriso sida ay kooxuhu isugu aadeen.

G  A:
Chelsea, Roma, Bordeaux, Cluj

G  B:
Inter, Werder Bremen, Panathinaikos, Anorthosis Famagusta

G  C:
Barcelona, Sporting Lisboa, Basel, Sjakthtar Donetsk

G  D:
Liverpool, PSV Eindhoven, Olympique Marseille, Atletico Madrid

G  E:
Manchester United, Villarreal, Celtic, Aalborg

G  F:
Lyon, Bayern München, Steaua Bucuresti, Fiorentina

G  G:
Arsenal, Porto, Fenerbahce, Dinamo Kiev

G  H:
Real Madrid, Juventus, Zenit St. Petersburg, Bate Borisov.

tartankan hadda la sameeyay isku aadkiisa waxaa haysata Kooxda Manchester Utd oo rigoorayaal kaga qaaday Chelsea bishii May ee aanu soo dhaafnay.
 

M,deeq

deeyoo_admin@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore