Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   David Beckham iyo xaaskiisa Victoria oo ka badbaaday shil baabuur

Beckham oo joogo xafladii xeritaanka ee Olombiga

25.08.2008, deeyoo.com

Kabtankii hore ee xulka Ingiriiska Beckham iyo Victoria waxey fasax ku joogeen magaalada  Bargemon ee dalka Faransiiska hase yeeshee xili ay kusoo socdeen garoonka diyaaradaha ee Nice si ay ugu sii duulaan dalka Shiinaha oo ay kaga qeyb gelayeen xafladii xeritaanka ciyaarihii Olombikada aduunka ayey galeen shil baabuur oo aad qatar u ahaa.

Baabuurkii ay wateen ayaa derbi ku dhacay isla markaana afka hore dhinaca hore ee rakaabka ayaa gebi ahaan burburay inkastoo Beckham iyo xaaskiisa Victoria ay ka badbaadeen oo uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilka ka dib ay Victoria aad u argagaxday oo ay ooyin iyo qeylo dhaan isku dartay.

David Beckham ayaa ugu dambeyn wuxuu caawin ka helay sodogiis Tony oo garoonka diyaaradaha usoo waday si uu uga gaaro diyaaradii uu raaci lahaa isagoo xaaskiisa kaga soo tagay halkii uu shilka ka dhacay.

Beckham wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay xafladii xeritaanka isagoo xayeysiin usii sameynayey ciyaaraha Olombiga aduunka ee 2012ka lagu qaban doono dalka Ingiriiska.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore