|
Sjevtsjenko
oo ugu dambeyntii usoo wareegay Milan

Sjevtsjenko
23.08.2008, deeyoo.com
Gooldhaliyaha qatarta ah Andrej Sjevtsjenko ayaa ugu dambeyn
kusoo laabtay kooxdiisii hore ee Milan ka dib hadal heyn badan
iyo wada hadalo aan kala go`laheyn oo kusaabsanaa
mustaqbalkiisa.
Sjevtsjenko oo 2006 kasoo tagay Milan markii ay Chelsea kusoo
gadatay lacag ka badan 30 milyan 00 Pound hase yeeshee uu la
qabsan waayey qaabciyaareedka Chelsea iyo Ingiriiska ayaa ugu
dambeyn ka dhacay booska ciyaaryahanada ay kooxda ku xisaabtanto
inkastoo uu mushahar ahaan u qaadanayey in kabadan 120 kun oo
Pound todobaadkii.
Waxaa jiray wadagadalo aan dhamaad laheyn oo ilaa sanadkii
hore u dhexeeyey labada koox iyadoo maalintii Khamiistana ay
kooxda Chelsea sheegtay inuu burburay wadahadalkii kala
dhexeeyey Milan ee ku saabsanaa Sjevtsjenko.
Chelsea ayaa markaas ku dooday in Milan ay ciyaaryahankan
iibsato ama ka talabaxdo hase yeeshee inkastoo ay maanta labada
kooxba ku dhawaaqeen u wareegitaanka Sjevtsjenko ee kooxda Milan
hadana lama shaacin qaabka ay u dhacday in lagatay, qiimaha uu
ku kacay iyo inuu deyn ku aaday.
Waxaa la filayaa in Sjevtsjenko berito oo Axad ah ama ugu
dambeyn aalinta Isniinta uu u duulo Milano si uu u maro
baaritaan caafimaad iyo inuu heshiis shakhsiyan ah ula galo
Milan.
- Waxeynu ku guuleysaney inaan kooxda keeno ciyaaryahanka
dhaliyey goolasha ugu badan isagoo xiran maaliyada Milan 50kii
sano ee ugu dambeeyey ayuu si farxad leh u yiri madaxa Milan
Adriano Galliani markii ay labada koox ku heshiiyeen inuu
Sjevtsjenko.
Sjevtsjenko wuxuu Milan lasoo qaatay 7 sano ka hor intii
uusan usoo wareegin Chelsea welina waa ciyaaryahan ay si weyn u
xushmeeyaan madaxda iyo taageerayaasha Milan.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|