|
Berbatov oo
usoo wareegay kooxda Manchester United

Berbatov
14.08.2008, deeyoo.com
Gooldhaliyaha Tottenham
Dimitar Berbatov ayaa ku dhow inuu u wareego kooxdii uu mudaba
ku riyoonayey ee Manchester United iyadoo waxa kaliya oo
hortaagan ay tahay baaritaan caafimaad iyo inuu kula heshiiyo
mushaharkiisa.
Sida ay warinayaan saxaafada
Ingiriiska badankood waxey u badan tahay in isla maantaba lasoo
gunaanado si uu fursad ugu helo kulanka furitaanka horyaalka
Ingiriiska oo ay Axada la yeelanayaa kooxda Newcastle.
Tottneham oo hore u diiday
iney gadaan Berbatov isla markaana ay xaalada sii cusleysay
markii uu Robbie Keane u wareegay Liverpool ayaa cadaadis badan
kaga yimid Berbatov taasoo ugu dambeyn ku qasabtay iney gadaan.
Man.United waxey Barbatov
kusoo iibsadeen 25 milyan oo Pound sida ay qortey
Daily Mail inkastoo Tottneham hore u sheegtay iney ku
iibinayaan 30 milyan oo Pound, sidoo kale Man.United waxey
dadaal weyn u galeen sidii ay u heli lahaayeen laacibka 22 jirka
ah ee Valencia David Villa oo shakhsi ahaan diiday inuu usoo
wareego dalka Ingiriiska isla markaana qandaraas cusub la galay
kooxdiisa Valencia.
Manchester United oo sanadkaan isku darsatey horyaalnimada
Ingiriiska iyo kan Yurub ayaa waxaa soo food saartey baahi
gooldhaliye maadaama Weyne Rooney uu xanuunsadey, C.Ronaldo uu
dhaawac dheer ku maqanyahay isla markaana Luis Saha ay u badan
tahay inuu ka tago.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|