|
Wararkii ugu
dambeeyey iyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Eto`o
14.08.2008, deeyoo.com
Xidiga weyn ee reer Cameroon Samuel Eto`o ayaa kooxdiisa
Barcelona lasii joogo doono iyadoo ay saf dheer usoo galeen
kooxo waa weyn markii uu tababaraha cusub ee Barcelona Josep
Guardiola ka dhawaajiyey in Eto`o, Ronaldinho iyo Decco aysan ka
tirsaneen laacibiinta uu ku tashanayo Shirkiisii Jaraa`id ee ugu
horeeyey.
Ronaldinho wuxuu aaday Milan, Decco wuxuu aaday Chelsea
waxaana la isweydiinayey halka uu aadi doono Etto`o hase yeeshee
tababare Guardiola mowqifkiisii ayuu bedelay sida lagu qorey
bogga nett-ka ee kooxda Barcelona.
- Eto`o wuu nala sii joogayaa rabitaankeena iyo rabitaankiisa
daraadeed ayuu yiri Guardiola ka yiri Shirkii Jaraa`id oee uu
qabtey kulanka isreeb reebka Champions League ay kooxdiisa la
leedahay Wisla Krakow.
Tababaraha Arsenal Wenger ayaa sheegay in Henry uusan
u imaan doonin Manchester Unted uuna lasii joogi doono kooxdiisa
Barcelona. Wenger ayaa sheegay inuu hubo hadiiba uu Henry kusoo
laabanayo dalka Ingiriiska inuu imaanayo Arsenal isagoo ciyaatoy
ah ama tababare ah.
Warkan ayaa soo baxay ka dib markii Manchester United xiriir
kala sameysay arinta inkastoo Henry hore u sheegay in maalin uun
uu kusoo laabanayo Ingiriiska laakiin halka uu imaanayo ay tahay
Arsenal.
Kooxda Roma ayaa miiska saartey 15 milyan oo Pound si
ay u hesho laacibka Valencia Joaquin oo labo sano uun ka hor 25
milyan oo Pound lagaga soo gatay kooxda Real Betis.
Joaquin wuxuu ka mid ahaa laacibiintii booska ka weysey
qarankii Spain ee ku guuleystay qaramada Yurub ayaa dadaal ugu
jiro sidii uu u caro gedisan lahaa si mar kale uu ugu soo laabto
qaranka.
Kooxda Roma ayaa baadi goob ugu jirta xidigii ay ku bedeli
lahaayeen Amantino Mancini oo ay Inter ka gadeen hase yeeshee
waxaa jira guux ah in Inter ay dhankooda rabaan iney lasoo
wareegaan xidgan 27 jirka ah.
Fredrik Ljungberg oo todobaadkii hore ay fasaxdey
kooxdiisa Westham ayaa waxaa saf usoo galay kooxo Talyaani ah si
ay ula wareegaan ruugcadaagan reer Sweden.
Kooxda Lazio ayaa ku dhow iney hesho saxiixa Ljunberg hase
yeeshee waxaa sidoo kale suuqa lasoo galay kooxaha Milan, Roma
iyo Fiorentina. Ljunberg oo todobaadkan horaantiisa ay soo
bexeen warar sheegaya inuu ciyaaraha ka fadhiisanayo ayaa waxaa
si cad u beeniyey wakiilkiisa isagoo dhanka kalena diiday in
Ljunberg u wareegayo horyaalka Mareykanka ee MLS.
Naadiga Chelsea ayaan weli ka rajo dhigin iney Real
Madrid kala soo wareegaan Robinho inkastoo hore qiime ay soo
bandhigeen lagu diiday loona sheegay inuusan beec aheyn.
Tababaraha cusub ee Chelsea Scolari ayaa ku cadaadinayo
madaxda kooxda in Robinho ay soo xera geliyaan ka hor inta uusan
xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 31ka bishaan, hadii ay
usuura gasho in Robinho lasoo wareegaan wuxuu noqonayaa xidigii
3aad ee Chelsea kusoo biira tan iyo markii uu leylinta kooxda la
wareegay Scolari iyadoo ay hore kooxda ugu soo biireen Bosingwa
iyo Deco.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|