Maxaa
keenay in ay kaalmadu bartilmaameed u noqoto warbaahinta.
Sadaqadu waa u muhiim qof kasta oo musilm ah, faa'iidada
ay leedahayna lama soo koobi karo, waxaana kusoo arooray aayado iyo axaadiis
fara badan.
Haddaba anaga oo og kana dharagsan sida ay ku ansaxeyso amaba
qofka muslimka ahi u helo ajar ayaa waxa aan xilliyadii ugu danbeeyay
aragnay ama maqalnay kaalmooyin is daba joogo oo ay iska soo uruuriyaan dadka
soomaaliyeed ee qurba jooga ah, waxa ayna inta badan kusoo qoraan bogagga laga
akhristo wararka ee internetka, qaarna waxaa laga sii daayaa tv-yada halka
qaarna laga sheego raadiyayaasha.
Kaalmadu waa sadaqo oo ay diinteenu noo cadeysay nooca sadaqo ee
ugu ajar badan taas oo ah, <gacantaada midig waxa aad ku bixineyso waa in
ayna ogaan gacantaada bidix> oo loola jeedo in ay sadaqadu ahaato mid
qarsoon oo ka daahirsan is muujin ama is tustus sida ay inta badan sameeyaan
soomaalida xilligan.
Maxay tahay faa'iidada ama ajrka uu qofku ka raadinayo sadaqo uu
ku naadiyay meediyaha aduunka, isaga oo sheegaya inuu lacag siiyay qof maskiin
ah uu u baahan, fikrad ahaan waa wax wanaagsan in wax la bixiyo nooca ay doonto
ha ahaatee waayo ugu yaraan waxa ay wax u tareysaa qofka u baahan, laakiin
hadiiba ujeedadu tahay in qofkaa la kaalmeeyo iyo in ajar laga helo labadaba
waxaa haboon in ay sadaqadu noqoto mid qarsoon oo ay isla ogyihiin kaliya qofka
bixinaya iyo qofka la siinayo.
Waxa jirta in lacagaha la diro inta badan lagu hagaajiyo
shakhsiyaad jooga gudaha iyo xawaaladlayaal, marka si loo hubiyo in ay gaartay
meeshii loogu talagalay, waxaa dhacda mararka qaar in laga sameeyo qoraalo,
sawiro ama laga duubo video. Laakiin iyada oo intaa la raacayo ayaa haddana laga
maarmi karaa in lagu baahiyo warbaahinta. si ay meesha uga baxdo ereyo
mudooyinkii ugu danbeeyay dhagaheena ku batay <hawenka magaalada ama dalka
hebel oo kaalmo usoo diray qoys dhibaateysan, jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka
hebel oo lacag intaa la eg u diray dadka ku jirada xerada hebel, dhalinyaro
dagan magaalada hebel oo lacag gaarsiiyay gabar soomaaliyeed oo la il daran
cudurka hebel iyo waxyaabo badan oo noocaas ah>.
Walaalayaal dadka caawiya gaar ahaan walaalihiin soomaaliyeed ee
muslinka ah oo ay dhibaatadu la dagtay ha ahaato, cudur, gaajo, barakac. waana
waajib na wada saaran dhamaanteen, laakiin fadlan ka daaya marqaatiga aad u
yeeleysaan sadaqadiina, waa wax aan ku wanaagsaneyn nafteena iyo diinteena,
wanaag aad ajir ku raadsaneyseen, yuu isku badalin danbi iyo is tus tus, iyo
weliba tartan kaala dhexeeya dad kale, jaalid kale, qabiil kale, wax kasto oo
aad sameyneysaana u sameeya sida naftiina oo kale iyo waliba adinka oo maraya
waajibaadka ay sadaqo ku ansaxdo.
Waxaan qormadeyda kusoo gabagabeynayaa kordhiya kaalmada aad
dirtaan, waayo waxa ay 3 jibaar ka faa'iido badantahay tan ay bulshada caalamku
ugu deeqdo dalkeena waayo waxa aad dirtaan waxa ay si toos ah u gaartaa dadka u
baahan, halka ay xoolaha hay'adaha samafalku ku baxdo inta badan naftooda iyaga
oo u isticmaala, mushahar, transport, iyo mararka qaar tumasho. Laakiin ka daaya
xoolaha inta aad dirtaan hadana aad baafineysaan.
Wabillahi towfiiq.
M,deeq
deeyoo_admin@hotmail.com
|